Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee JSL Oo Baanka Ka Shaqaalaysiiyey Gabadhii Yarayd Muuqaalka Naxdin Leh Laga Duubay.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee JSL Md Cali Ibrahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa go’aamiyey in Baanka Dhexe Ee JSL uu ka shaqaalaysiiyey gabadhii yarayd Ayaan Maxamed Yuusuf ee gabadhii ay u shaqaynaysay muuqaalka tacadiga ah ka duubtay. Iyadda ay Maanta soo qabteen Ciidanka Booliska Somaliland ee Magaaladda Hargeysa.
Warkan waxa lagu baahiyey Barta uu Baanka Dhexe Ee JSL ku Leedahay Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha Ee Facebook oo ay idiin soo gudbiyey Xafiiska War-qabadka ee Shabakedda Wararka Ee Oodweynenews.
Waxaanu lagu warkaan ka soo baxay madaxda Baanka sidan “Madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee JSL, markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xidhan calanka JSL, taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar; Waxaa uu Guddoomiyaha Baanku Go’aamiyay in gabadhaas yar laga shaqaalaysiiyo Baanka Dhexe ee JSL”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker