Tirada dadka uu galaaftay Coronavirus waxay kor u dhaafeen 2 milyan oo qof

Tirada ku dhimatay Coronavirus maanta waxay kor u dhaaftay 2 milyan, sida ay diwaangelisay Jaamacadda caanka ah ee Johns Hopkins. Waxa la sheegayaa intirada u dhimatay ay intaa aad uga badan tahay maadaama tirade la diwaan geliyey ay tahay dadkii dhakhaatiirta ku dhintay iyo dadkii la caddeeyey in ay u geeriyoodeen caabuqan.

“Marka la eego xawliga uu COVID 19 wax ku dilayo, waxay ka dhigan tahay 10 diyaaradood oo nooca AirBus a 380 ah oo maalin walba cirka soo dhacaysay muddo sannad iyo dheeraad ah. Airbus 380 waxay qaaddaa 544 qof. Bal malee masiibadaa” sidaa waxa qortay CNN.

In kastoo wakhtigii uu Wuhan ka bilaabmay viruskani laga soo wareegay sannad iyo dheeraad, haddana wali dhimashaday maalinlaha ee fayraskani kor bay u socotaa. Waxa maanta kuraastoodii ay madhan tahay 2 milyan oo qof oo muddo dhawayd ka hor koonka innagula noolaa. Waxa jira laba milyan oo qiso oo la werin karo.

Dacal kasta oo dunida ah, iyo dal kasta oo dunida ah, waa laga soo weriyey geerida COVID 19 uu sababay.

Rajada hadda jirtaa waa in la helay tallaal, laakiin su’aashu waxay tahay, waa goorma goorta uu adduunka oo dhan soo gaadhi doonaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker