Qaramada Midoobay Oo Wefti culus u soo diraysa Somaliland

Qaramada Midoobay ayaa Wefti culus u soo diraysa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Safar ayaa la sheegay inay ku imanayaan Wefti ka socda Qaramada Midoobay, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kaasi oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho.

Ma jiro War Rasmiya oo weli ka soo baxay Safarka Weftiga Qaramada Midoobay, balse waxa la sheegay inay dalka u imanayaan xal u helidda khilaafkii dhawaan soo kala dhex galay Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore joojisay Hawlihii Qaramada Midoobay ka haysay dalka, ka dib markii ay soo baxday in qorshaheeda Waxqabad ee afarta sanadood ee soo socda uu waafaqsan yahay ka Dawladda Soomaaliya.

Hore, waxa dhowr jeer khadka Telefoonka ugu wada-hadlay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada-hadlay sidii loo soo afjari lahaa xurguftaasi, balse illaa hadda ma muuqdo xal la gaadhay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker