Madaxweyne Yoweri Museveni Oo Markii 6aad Ku Guuleystay Doorashada Madaxtinimada Uganda

Guddiga doorashada Uganda ayaa ku dhawaaqay in mar kale madaxweyne Yoweri Museveni uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada taas oo sii dheereyneysa xukunkiisa 35 sano.

Yoweri Museveni, ayaa helay codad dhanka 5.85 milyan cod oo u dhiganta boqolkiiba 58.64 codadkii la dhiibtay halkii Musharaxii sida weyn ula tartamayey ee Robert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine uu helay boqolkiiba 34.83.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Justice Simon Mugenyi Byabakama, ayaa sheegay in Yoweri Museveni, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalka.

Bobi Wine, oo da’diisu tahay 38 sano jir kaas oo si weyn ula tartamayey Museveni, ayaa ku dhawaaqay isbeddel siyaasadeed iyo in la soo af-jaro xukunka waqtiga dheer jiray ee Museveni, waaxana uu ku eedeeyey Yoweri Museveni ku shubashada codadkii la dhiibtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker