Raysal-wasaarihii Dalka Sudan Oo Iscasilay, Milateriga Oo Xukunkii Dalka La Wareegay

Raysal-wasaarihii Dalka SUDAN Cabdalle Hamdok Ayaa Iscasilay. Kadib Markii Ay Ciidamadda Qalabka Sidda Ee Milateriga Dalka Sudan Ay Caddaadis ku Saareen Inuu Xukunka Isaga Deggo Xaaladda Caawa Ay Ku Sugan Tahay Sudan, Ayaa ah mid Aad cabsi Badan Ugu Yeelatay Dadweynaha Reer Sudan. Ciidamadda Milateriga Sudan Oo Hore Xukunkii Muddadda Dheer Ee Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashir Soo Af-jaray, Kadib Markii Ay Xoog Uga Wareejiyeen Xukunka Sudan Madaxweyne Al Bashir, Isla-markaana Xabsiga Dhigay Al Bashir Oo Isaga laftiisu Xukunka Sudan Inqilaab Milateri Kula Wareegay Dhawr Iyo Afartan Sanno Ka Hor, Ayaa Caawa Xukunkii Dalka Sudan Sheegay Inay Toos Iyagu Ula Wareegeen Hogaamin Dalka, Isla-markaana Ay La Xisaabtami Doonnaan Xukuumaddii Hore Ee Uu Hogaamin Jiray Raysal-wasaare Cabdalle Hamdok. Shacabka Reer Sudan Oo Si Xoog Leh Uga Warwarsan Xaaladda Amni Ee Dalka Sudan Sidda Uu Ku dambayn Doonno. Iyaddoo Shacabka Reer Sudan Si Xoog Badan Ay Ciidamadda Milateriga Uga Hor Yimaaddeen Markii Xukunka Ay Xoog Uga Qaaddeen Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashir, Wakhtigaas Oo Ay Shacabka Reer Sudan Dalbaddeen Inay Milaterigu Awoodda Dalka Gacanta u galiyaan Dawlad Rayid ah Oo Dalka Gaadhsiisa, Isla-markaana Doorashooyinka xor ah Ka Qabta. Balse Caawa Mar kale Waxa Rabitaankooddii Ka Hor Yimi Ciidamadda Qalabka Sidda Ee Dalka Oo Iyagu Gacan Saar Weyn Oo Dhanka Taageeradda ah Ka haysta Xukunka Awoodda Badan Ee Milaterigu Hogaamiyo, kanna taliya Dalka Ay jaarka Yihiin Ee Masar. Soo Bixitaanka Warka Sheegaya Ku Dhawaaqista Iscasilaadda Cabdalle Hamdok Sheegaya, Ayaa Ciidamadda Qalabka Sidda Ee Dalka Sudan La Soo dhoobay Waddooyinka Magaalooyinka Waa WeynEe Dalka, Gaar Ahaan Caasimadda Dalka Sudan Ee Khartoum Oo Ay Ciidamadda Milateriga Dalku Oo Xoog u hubaysanni Si Weyn U gaaf-wareegayaan Waddooyinka Khartoum. Milateriga Dalka Sudan, Ayaa Intii Ka Dambaysay ka tuuristii Xukunka Sudan Ee Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashir Dhawr Jeer Isku dayey Inay Awoodda Dalka Gacanta Ku Sii Haystaan. Balse Shacabka Reer Sudan Oo Iyagu Si Weyn Uga Soo daalay Xukunkii Milateriga Ahaa Ee Inta Badan Soo Hogaaminayey dalkooda Iyo Caddaadis Badan Oo Aduunka Uga Yimi Milateriga, Ayaa Sababay Inay Ciidamaddu Dib Uga baaqsaddaan hamigoodda Iyo Isku dageygii Ay Ku rabeen Inay Awoodda Iyo Xukunka Dalka Sudan Ku Sii dheeraystaan. Si Kasta-ba ha Ahaatee Lama saadaalin karo Xaaladda Dalku Sidda Ay noqo Doonno. Balse Waxa indhaha Caalamka Oo dhami ay Si Weyn U eegayaan Sidda Xaaladda Sudan Ku dambayn Doonto Iyo Sidda Ay Ciidamadda Milateriga Ee Dalka Sudan Xukunkiisa La Wareegay ay u wajahaan. Dalka Sudan Ayaa Ka Mid Ah Dalalka Qaaradda Afrika Ee Ku Caanka ah Inqilaabka Milaterigu Xukunka Kula Wareegayaan.
 
 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker