Hay’ada UNHCR oo lagu eedeeyay in ay dhibaato ku hayso soomaalida ku nool Liibiya.

Sida laga soo xigtay hay’ada u dooda qaxootiga ee ku sugan dalka Liibiya ayaa sheegay in hay’ada qaramada Midoobey ee u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay dhibaato ku hayso soomaalida ku nool Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.

Ururada bulshada rayidka ee ee dalka Liibiya ayaa si kulul u dhaliilay habka ay ugu gurmadaan dadka qaxootiga ee ku nool dalkaasi.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii la sheegay in Hay’ada UNHCR ay diiwaangelisay dhimashadii qaxooti Soomaali ah  oo ku sugnaa dalka Liibiya.

Ku dhawaad 32 ka mid ah ururada Bulshada Liibiya ayaa sheegay in Shucayb Ibrahim oo 19 sano jir ah uu u dhintay xadgudubyada ay kula kaceen kooxaha ka ganacsada dadka ee magaalada Bani Walid iyo daryeel la’aanta hayada UNHCR ee ku sugan magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.

Qoraalka ka soo baxay ururada bulshada rayidka ee dalka Liibiya ayaa lagu sheegay in ay ogyihiin qaxooti badan oo soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen guryahooda.

Sidoo kale Ururada Bulsahda Rayidka ah ee Libiya ayaa sheegay in guryaha ay iska dhintaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya xilli ay u diwaangashan yihiin UNHCR.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker