Guul Taariikhi ah

Asalaamu Calaykum

Inaga oo ogsoon dabka ka holcaya Geeska Afrika, colaadaha sii kordhaya, xanuunada iyo hoos u dhaca dhaqaale ee ka jira mandaqada aynu ku nool nahay, ayaa waxaa Allah mahadii ah in ay Ummada reer Somaliland iyaga oo isku duuban Xukuumad, Xisbiyo iyo Shacbiba inay Dalkooda ka hir galiyeen Diiwaan gelin ka qabsoontay Gobolada Dalka oo dhan gees ilaa gees iyada oo aan deero-deero hirdiyin oo si Nabad ah ku qabsoontay.

Waxaa kale oo Guul ah in Dhaqaalihii ku baxay diiwaan gelintan ay Xukuumada Somaliland bixisay 100% oo ay tahay lacag ay Ummada Somaliland leedahay oo aan shisheeye bixin. Waa guul aad u weyn iyo sharaf usoo hoyotay Ummada reer Somaliland oo ay Xukuumadu ku amaanan tahay.

Dadweynaha reer Somaliland ee is diiwaan gelinayay may ahayn qaar jujuub iyo qasab lagu diiwaan geliyay, waa dad iyaga oo xor ah oo fahamsan xuquuqdooda muwaadinimo isu diiwaan geliyay si ay u doortaan dadkii u meteli lahaa goloyaasha qaranka.

Dal aan aqoonsi haysan, oo aan caawimo buuran dunida ka helin, inay iyagu isku tashadaan oo ay gacmaha is qabsadeen Shacbi iyo Xukuumadba waa Guul lagu faano oo muujinaysa dadnimada nool ee Ummada reer Somaliland.

Ma jiro Dal kale oo mandiqada ku yaala oo rejo weyn laga qabo inay gaadhaan ama xataa ku soo dhawaadaan dimuqraadiyada, ilbaxnimada iyo xasiloonida Somaliland ka hano qaaday.

Waxaan u mahadnaqayaa Guud ahaan Ummada reer Somaliland, Madaxweynaha, Xukuumada, Xisbiyada Qaranka, Ciidamada Qaranka, Gudiga Doorarashooyinka Qaranka iyo Laamaha warbaahinta ee Somaliland.

Ummada isku Tashata ee Allaheeda Aaminta ayaa guulaysata.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenkii hore ee Arrimaha Debada Somaliland

Attachments:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker