Sacdiya Yaasiin X Samatar Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay inay noqoto guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, waana haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata.

Sacdiya oo heshay 137 cod ayaa wareeggii labaad ee doorashada waxay kaga adkaatay Maxamed Cali Cumar Caananuug oo helay 107 cod. Labada musharaxba waxay ka socdeen dhanka mucaaradka.

Doorashadan ayaa waxaa wareeggii koowaad ku tartamay illaa 10 murashaxa oo codadka u kala helay sidan:

1. Maxamedweli Cabdalle Axmed: 59 cod
2. Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug): 58 cod
3. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar: 52 cod
4. Khadiijo Maxamed Diiriye: 21 cod
5. Cabdikariin Abdow Xayder: 15 cod
6. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego): 12 cod
7.Cabdiraxmaan Cabdiqadir Cadde: 8 cod
8. Saciid Maxmed Maxamuud Xayd: 7 cod.
9. Maxamed Nuur Abuukar: 5 cod
10. Maxamed Cumar Cimow: 4 cod

Ma jirin musharax helay 50+1 oo ah 139 cod si uu tartanka ugu guuleysto, taasi oo qasab ka dhigeysa in wareega kale oo doorasho la galo.

Waxaa wareegga labaad u gudbaya afart murashax ee ugu codadka badan, hase yeeshee laba murshax ayaa sheegay inay tanaasuleen, kuwaas oo kala ah Maxamedweli oo galay kaalinta koowaad iyo Khadiija Diiriye oo gashay kaalinta afaraad.

Sidaas darteedna waxaa isku soo Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) iyo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayada oo ay guuleysatay Sacdiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker