Madaxweyne Trump Oo Noqonaya Madaxweynihii U Horreeyay Taariikhda Maraykanka Ee Maamuus Ka Xayuubin 2 Jeer Loo Soo Gole Joojiyey

Madaxweyne Trump oo mudo xileedkiisa todobaad uga hadhay aayaa noqday madaxweynihii u horeeyey taariikhda dalka Maraykanka ee maamus ka xayuubin loo soo gole joojiyo laba jeer.

Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga oo ay weheliyaan toban xildhibaan oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa u codeeyey maamuus ka xayuubinta Madaxweyne Trump.

Congress-ka oo ay aqlabiyada haystaan Dimuqradigu ayaa xildhibaano gaadhaya 232 waxay u codeeyeen in xilka laga qaado Trump, hase yeeshee waxa loo gudbin doonaa aqalka Sare ee Sanat-ka.

Madaxweynahan laba jeer la soo gole joojiyey ayaa lagu eedeeyay “kicin dadweyne iyo xil gudasho la’aan”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker