Raiisal wasaaraha Dalka Kuwait oo iscasilay

Raiisal wasaaraha dalka Kuwait Shiikh Sabaax Al-Khalid Al-Sabaax ayaa maanta oo Arbaca ah iscasilaadda xukuumadiisa u gudbiyay Amiirka dalkaas Shiikh Nawaaf Al-Axmad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Kuwayt.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii wasiirro ka tirsan xukuumadda ay shalay is casilaadooda u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.

Xubno ka tirsan baarlamaanka dalkaas ayaa hore u codsaday in ra’iisal wasaaruhu hor yimaado baarlamaamnka si wax looga waydiiyo qaab dhismeedka xukuumadda .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker