Ruto oo wacad ku maray inuu dagaal ku qaadi doono musuq-maasuqa canshuuraha

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa wacad ku maray inuu dabagal ku samayn doono cashuur dhaafka iyo inuu laba jibaari doono ururinta dakhliga, si ay gacan uga geysato bilowga kobcinta dhaqaalaha liita, sida uu sheegay xafiiskiisa.

Hoggaamiyaha 55-jirka ah ayaa sheegay in qofna uusan awoodi doonin inuu ka fogaado bixinta canshuuraha, wuxuuna saadaaliyay in dakhliga canshuurtu uu kor u dhaafi karo inta uu maanta yahay oo ah 1.8 tiriliyan shilin ($14.8 bilyan) uuna gaari doono ugu yaraan saddex tirilyan oo shilin, isagoo aan sheegin wakhti cayiman.

“Ma jiri doonto wax mudnaan ah oo ay leeyihiin dadka u maleynaya inay leeyihiin xiriir siyaasadeed: aniga ayaa hoggaamin doona howshan,” ayaa laga soo xigtay xafiiskiisa Ruto.

Kenya ayaa waxaa ka jira musuq-maasuq baahsan oo u sahlay in badan oo ka mid ah maalqabeenada tirada yar inaysan bixin canshuuraha.

Roto, oo ku ololeeyay inuu yahay horyaalka dadka saboolka ah doorashadii dhacday 9-kii Ogosto, ayaa ka hadlayay munaasabad uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha warshadaha wax soo saarka.

Waxa uu ku baaqay in waaxda canshuuraha ay abuurto wax soo saar badan oo qiimo leh, isaga oo sheegay in ay kordhin karto ka qaybgalka dhaqaale ee warshadaynta ilaa 20% dakhliga dalka marka la gaaro 2030-ka.

“Waxaa jira fursado ka badan caqabadaha ka jira Kenya, aan si weyn diiradda u saarno fursadaha.” ayuu yiri Ruto.

Digniintiisa ku aaddan lunsiga canshuuraha ayaa kusoo beegantay iyadoo maamulka maaliyadda uu qaadayo xog uruurin ku saabsan guryaha kirada ah ee ku yaal caasimadda Nairobi — oo ah amar la filayo in lagu ballaariyo saldhigga canshuuraha, lana qabto kuwa aan sheegin dakhliga kasoo xarooda kirada.

 

AFP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker