Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Malaawi Oo U Geeriyooday COVID-19

Wasiirka Gaadiidaka Sidiiq Miyaa iyo wasiirka dowladaha Hoose Lingson Percanyama ayaa u geeriyooday cudurka karoona Fayras, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaas.

Madaxweynaha dalkaas Lazarus Chakwira ayaa ku tilmaamay dhimashada labada wasiir mid khasaaro ugu filan dalka.

Madaxwaynaha ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen laba wasiir iyo dhamaan shacabka, isagoo ku sifeeyay labadooda wadaniyiin qaali ku ah shacabka iyo dowladda Malaawi.

Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay shacabka inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah oo ku saabsan u hogaansanaanta tallaabooyinka looga hortegaayo cudurka karoona fayras.
In ka badan 9 kun oo kiis ayaa laga diiwaan geliyay dalka Malaawi, waxaana u dhintay Karoona 235 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker