Ha u duulina Shiinaha itoobiya diiday!

Ilamaa intii uu cudurka Koroonafayris “coronavirus” ama “2019-nCoV” ka dilaacay Dalka Shiinaha, ayaa waxa Dunida Dhamaanteed soo foodsaartay cabsi ba’an oo ay ka cabsanayaan cudurkan dilaaga ah ee sidda sahlan ku faafaya, cudurkan oo ah cudur asal ahaan ku dhaca xayawaanka se u soo gudbay aadamaha, Culimada ku tukhasustay cudurada faafa qaarkood waxay cudurkan ku xidhiidhiyeen Fiidmeerta, inkastoo go’aan laysku raacay weli soo bixin, Dhanka kale waxa laysku raacsan yahay in uu cudur xayawaanka ku dhaca oo Dadka usoo gudbay yahay, sifaha uu leeyahay cudurkani waa xumad ba’an, qandho, qufac, hiinraag iyo Neef qabad, waana cudur loo dhiman karo oo halis ah, waana cudur aan dhakhso loo ogaan isaga oo ruuxa uu haleelo soo rida mooyaane, waxaana laga kala qaadaa ku dhawaansho ruux qaba, qufac, hindhiso, neef, dhareer, duuf iyo candhuuf ku gaadha ama hawadu kuu keento, cudurkan sidday xaqiijisay Haayada Caafimaadka Aduunku dadkii ugu horeeyey ee uu haleelay waxay ahaayeen shaqaalihii iyo dadkii ka ganacsanaayey ama booqday Suuqa la yidhaahdo “Huanan” ama Huunaan Cuntada-Bada  ee Magaalada Wuhaan ee Dalka Shiinaha ku yaala, suuqan waxa lagu iibiyaa Hilbo xayawaan aad u tiro badan.

Haddaba cudurkani markii uu kumanaan qof ku dhacay boqolaal qofna ugu dhinteen Dalka Shiinaha una gudbay 15 Dal ayaa haayada caafimaadka Aduunku digniin kasoo saartay in aan loo safrin magaalada Wuhaan, inkastoo markii danbe raacisay Dalka Shiinaha oo dhan, si loo xakameeyo faafida cudurkan, iyadoo judhiiba dalal badani ka daad-gurteen muwaadiniintii ka joogay, iyagoo guryo Celintoodii goobo lagu baxnaaniyo ku xereeyey si haddii ay cudurka qaadeen aanu u faafin, waxayna qaateen digniintii socdaalka ee haayada caafimaadka aduunka kasoo baxday waxaana judhiiba joogsamay 59 duulimaad oo 44 Dal iyo Shiinaha iskaga gooshi jiray, sikastaba ha ahaatee waxa iska dhago maray digniintaa Dalka itoobiya oo duulimaadyadii maalinlaha ahaa ee labada Dal ukala Socon jiray sii wada, talaabadan oo cabsi ku abuurtey dalal badan oo aduunka ah oo diyaarada itoobiya tagto, se waxa hadda qaylo dhaankoodu isasoo tarayaa dalalka Afrikaanka ah ee aadka u adeegsada dayuuradaha itoobiya ama siimara ee kusii hakada “transit” Dalkaas, waxaana durba lala xidhiidhiyey ruuxii ugu horeeyey ee Dalka Botuswana ” Botswana” laga helay ee cudurka qaba, kaas oo ah arday Shiinaha ka yimid oo la socday dayuurada itoobiya.

Hadal iyo dhamaan Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka itoobiya waa labo Dal oo oodwadaag ah oo leh xidhiidh ganacsi iyo xidhiidh duulimaad joogto ah oo aad iskugu socdaala cir iyo dhulba, caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa waxa ay ka midka tahay goobaha sidda joogtada ah ay usoo cago dhigato dayuurada itoobiya markaa waxa haboon in muwaadiniinta adeegsada dayuuradaha iyo kuwa gaadiidka Dhulka ugu socdaala Dalka itoobiya la wacyi geliyo loona sheego walaaca lago qabo dalkaa iyo dayuuradaa dhagaha ka furaysatay digniintii caalamka, tahayna in laga taxadiro, si allaaba badane in lasii tabaabushaysto oo qorshe haddiiba, lagasii arinsadaa haboon tahay, Illaahay inaguma keenee waa cudur dunidii cabsi geliyey.

Se ha u duulina Shiinaha itoobiyan eerlayn diiday! Derisna waanu nahaye Alow sahal amuuraha.

Wabilaahi tawfiiq

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker