Daawo: Xildhibaano ka mida Golaha Wakiilada Somaliland oo Gaashaanka ku dhuftay Sharciga deg dega ah ee uu Gobolka Sanaag ku Soo Rogay Madaxwayne Muuse Biixi.

Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland (Guurtida/Wakiillada), ayaa saaka iskugu yimid fadhi aan Caadi ahayn oo lagaga doodayay xaalada deg-deg ah ee Madaxweyne Muusi Biixi Cabdi ku soo rogay degmooyin ka Ceerigaabo Ceelafwayn iyo Garadag oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Kulanka saaka waxaa ka soo xaadiray 107 xildhibaan, waxaa ogolaaday xaalada deg dega ah 40 xildhibaan, markii la doonayay in gacanta loo taago inta diidan ayaa guddoomiyaha Golaha wakiiladu Baashe Maxamed Faarax fadhiga deg deg u xidhay iyada oo ay codeyntii socoto, buuq iyo sawaxan ayaa hadheeyay xarunta Baarlamaanka, Waxaana loo balamay in fadhi kale la iskugu yimaado maalinta sabtida ah.

Halkan hoose ka daawo

 

Warkan Oo Faahfaahsan Kala Soco Wararkayaga Dambe. Oodeaynemedia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker