Somaliland Oo Madaxtooyo Cusub Ka Dhisaysa Laascaanood

Guddoomiyaha golaha wakiilada JSL oo ay weheliyaan xubno katirsan xukuumadda ayaa dhaggax dhigay dhismaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Laascaanood.

Sida uu ku waramayo Wariye Liibaan Qaran. Maamulka gobolka Sool iyo kan degmada Laascaanood, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo agaasimaha madaxtooyada ayaa dhaggax dhigaas goobjoog ka ahaa.

Meeyarka magaalada Laascaanood Cabdicasii Xuseen Taarwale ayaa madaxweynaha JSL Somaliland Muuse Bixii Cabdi iyo cidkasta oo gacan ka gaystay uga mahad celiyay dhismaha xarunta madaxtooyada ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in dhismahaasi dhinac kata uu u noqon doono 1 km isago bilic iyo magaalayn soo kordhin doona.

home
Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker