War Cusub Oo Laga Soo Saaray Ciyaartoyda Somaliland U Dhashay Ee Soomaaliya Ka Ciyaara

Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa danbiileyaal qaran ku tilmaantay ciyaartooyo u dhashay Somaliland oo la sheegay in ay ka qayb qaateen tartankii ciyaaraha maamul goboleedyadda Soomaaliya.

Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiid Yaasiin, oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in aan la aqbali Karin in ay dalka dib ugu soo laabtaan ciyaartooyga u dhashay Somaliland ee ka qayb qaatay tartankii maamul goboleedyadda Soomaaliya.

Tartanka ciyaaraha Kubbadda cagta ee maamul goboleedyadda Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ma qabsoomay magaaladda Muqdisho.

Waxaana jirtay in arrinta la xidhiidha ciyaartooyadda reer Somaliland ee tartankaasi ka qayb qaatay hadal haynteedda si weyn loogu falan qaynayay baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka.

C/rashiid Caydiid Yaasiin, oo maanta arrintaasi ka hadlay ayaa wacad ku maray in tallaabo adag oo ciqaabeed ay mutaysan doonaan haddii ay cadaato in ciyaartooyo u dhashay Somaliland oo ka qayb qaateen tartan ciyaareedkii dhex maray maamul goboleedyadda Soomaaliya.

Waxaanu yidhi, “Laga bilaabo sanadkan 2021-ka, ciyaar yahanka Somaliland u dhashay, ee ka ciyaara Soomaaliya, waa danbiile qaran. Cidii la xaqiijiyo in ay Naadiyadda Soomaaliya u ciyaareen, waa danbiile qaran.

Cid kastoo magac aan ka Somaliland ahayn ku ciyaarta, oo ciyaartooy reer Somaliland ah waa qaran dumis. Waa cid Dhabarka ka toogatay qarannimadda Somaliland. Haddii ay hore u dhacdayna, laga bilaabo sanadkan aqbali mayno”.

Geesta kale C/rashiid Caydiid Yaasiin, waxa uu sheegay in sharciga la marin doono ciyaartooyadda ay ku cadaato in ay kooxaha Soomaaliya u soo ciyaareen, marka ay yimaadaan Somaliland.

“Qof kastoo halkaa (Soomaaliya) ka soo ciyaaray na, waa danbiile. Qaranka oo uu cafis waydiisto mooyee, Kubbad danbe oo uu Somaliland ka ciyaarayaa, ma jirto.

Sharciga iyo nidaamku wixii uu ka qabo ayaana la marrin doonaa. Haayadaha qaabilsan ayaanan u gudbin doonnaa” ayuu yidhi agaasimaha waaxda ciyaaraha.

Dhinaca kale tartankii ciyaaraha goboladda Somaliland oo qabsoomay dabayaaqadii sanadkii tegay ayaa la tilmaamay in xulalka goboladda qaarkood ay u ciyaarayeen ciyaartooyo ka tirsan kooxo ka dhisan maamul goboleedyadda Soomaaliya.

Hase yeeshee, agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiid Yaasiin, oo arrintaasi wax laga waydiiyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay jiritaanka arrinkaasi.

Waxaanu sheegay in dhamaanba kooxihii kala metelayay goboladda Somaliland ay ciyaartooygoodu ahaayeen reer Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker