Guardiola: Macquul Maaha Inaanu Liverpool Soo Qabano, Kaliya Waa Inaanu Ka Fikirno Inaanu Usoo Baxno Champions League

Pep Guardiola ayaa si cad u muujiyey in uu ka Quustay Horyaalka Premier League oo ay Liverpool u muuqato in aanay cidina soo qaban karaynin.

Man City ayaa guul-darro Xanuun badan ay kasoo gaadhay Ciyaar ay xalay ugu tagtay Wolves oo ku dheelaysay garoonkeeda Molineux, waxaana ciyaartaas ay inteeda badan ku ciyaaraysay Citizens 10 ciyaartoy iyadoo bilowgiiba kaadh cas lagu saaray goolhaye Ederson.’

 

Khasaarahan waxa uu Liverpool siiyey farqi 14 dhibcood ah iyo ciyaar gacanta ugu jirta, taas darteedna suurtogal maaha in Manchester City ay ku fikirto inay difaacato horyaalka, sida uu rumaysan yahay Guardiola.

 

Pep Guardiola waxa uu qiray in farqiga dhibcaha laga sarreeyaa ay aad u dheer yihiin oo aanay caqli gal ahayn in laga fikirayo in koobka lagu tartamayo, laakiin hammigiisu uu yahay in uu u tartamo sidii kooxdiisu ay uga qayb-geli lahayd Champions League xili ciyaareedka dambe.

“Waqti badanba wuu weynaa farqigu (Dhibcaha ay Liverpool ka horreyso). Macquul maaha inn lagu fikiro in horyaalka lagu tartamo.” Ayuu yidhi.

“Su’aashan waqti dheer ayaa la i weydiinayay, jawaabtayduna waa isku mid uun.” Ayuu raaciyey.

Tababaraha reer Spain waxa kale oo uu ka hadlay ciyaartii ay Wolves 3-2 kaga adkaatay xalay iyo kaadhkii casaa ee la siiyey goolhaye Ederson, waxaanu yidhi: “Siddeetan daqiiqadood in 10 ciyaartoy ay 11 laacib la ciyaaraan way adag tahay, natiijadana maanaan difaaci karaynin.

 

 

Falan-qaynta Ciyaarahaas Halkan Hoose ka Daawo:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker