“Doorasho Puntland iyo Jubaland ka hareen meel lagu yiri ma jirto”: Madaxweyne Qoor Qoor

Xili Soomaaliya uu ka jiro khilaaf la xiriira doorashada ayaa madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxaa uu gashaanka u daruuray hadal dhawaan kasoo yeeray maamul goboleedka Jubaland, afhayeenka aqalka sare iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ee ahaa in dhexdhexaadintii uu ka dhex waday aanay wali wax jawaab ah ka helin, ayna ka warheleen oo keliya hirgelinta doorashada.

Madaxweyne Qoorqoor waxaa kale oo uu sheegay in wali ay ku hawlan yihiin sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka arrimaha doorashada.

“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeybgaleynin doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeygalo ayaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin ku saabsan maamulka doorashada waa in la xalliyo markaa doorasho Puntland iyo Jubaland ka hareen meel lagu yiri ma jirto ama mid ay ka maqan yihiin sababna ma jirto maxaa yeelay mar walba waxaa laga hadlayay tabashooyinkii jiray in la xalliyo doorashadana ay waajib tahay”

Khadka taleefonka ee magaalada Muqdisho ayuu ugu warramay weriyaha BBC-da, Bashiir Maxamed Caato oo marka hore weydiiyay bal wixii kasoo baxay shirkii uu la yeeshay madaxda federaalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker