Murashax Xasan Ogaal Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Degaamo Ka Tirsan Gobolka Saaxil

Berbera (OWN)- Murashax Xasan Cumar Xasan (Ogaal) oo ka mid ah Musharraxiinta Xisbiga WADDANI ee Golaha Wakiillada uga sharraxan Gobolka Saaxil iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Musharrax Xasan Ogaal iyo wefti uu hoggaaminayo waxa si diiran loogu soo dhaweeyey Degaanadda Ina Caddamay, Biyo Fadhiisinka, Deri Maraa, Isku Dar, Ugaas Madow, Degmadda Go’da weyn iyo degaano kale, waxaanay bulshada deegaannadaasi u ballan qaadeen in ay taageersan yihiin musharraxnimadiisa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay codkooda siiyaan 31,May 2021-ka oo ah maalinta ay doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha degaanka ay dalka ka dhacayaan.

Musharrax Xasan Cumar Xasan (Ogaal) ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyey degaanadaa, waxaanu ku booriyey in loo baahan yahay inay u diyaar garoobaan doorashooyinkaa ay maal-muhu ka hadheen wakhtigoodii,isagoo  ku dar-daaray codbixiyayaashu inay ilaashadaan kaadhadhkooda cod-bixinta,waxaanu dhankiisa bulshada deegaanada uu soo maray u ballan qaaday in uu baahidooda ka turjumi doono oo uu noqon doonna mid si dhab ah u metela.

Gunaanadkii Musharrax Xasan Ogaal ayaa intii uu socdaalkiisa ku gudda jiray waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Odayaasha, wax-garadka, Dhallinyarta iyo haweenka,bulshada deegaanadaas uu soo maray,kuwaas oo ku soo dhammaaday jawigii loogu tallogalay iyo in ay codka siyaan 31 May astaanta WANKA WADDANI, taas oo ah astaanka gaarka ah ee Musharrax Golaha Wakiillada ee Gobolka Saaxil ee Xasan Cumar Xasan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker