Fingerprint Attendance Machine:Xalka Xaadiriska Shaqalaha HAA mise Maya?

Tan iyo intaan garaneyno taariikhda waa la ina xaadirin jirey,Malcaamad,Dugsi iyo hadda goobaha Shaqada intaba.Intaan ku soo biirney goobaha dadku isugu yimmadaanba tirsi lambar ayeynu laheyn oo waa la ina daba socon jirey,maqnaanshiyaheena goobaha aynu ka tirsanahay ayaa isla xisaabtan inagu keeni jirey,waxaana lagu farxaa joogitaankeena joogtada aynu ugu suganahay goobta aynu ka tirsanahay.Saacadaha waxa aynu u gadanaa in aynu kala socono wakhtiga iyo aminta hadba la maraayo,Qof kastaana wakhti yaraantiisi ka mid ah ayuu saacad iibsadey,saacaduna waxa ay qiimo leedahay markaad dan leedahay amma hawlo iyo shaqooyin aad gacanta ku heyso si  aad wakhtiga ula socoto.Billowgii dhalinyarnimana saacaddu waxa ay ku jirtey waxyaabaha loogu jecel yahay hadyadahana la isugu keeni jirey,halka telefoonka gacantu dadka ugu jiro ayey ugu jirtey saacadu,sida telefoono gacanta ah oo qaali hadda loogu raran yahay ayey dad badan saacado qaali ah oo qiimo badan u xidhan jireen gacantooda soo jiidasho u yeelli jirey. 

Wakhtiga Dugsiyadeenu waxa ay ahaayeen kuwo billaabma toddobada subaxnimo,welina dugsiyo badan ayaa wakhtigaasi horre la galaa,sidiina weli ah,taasi oo ardey kasta ku qasbi jirtey in uu xaadir ahaado wakhtigaasi subaxnimo,dhammaantoodna saacadd in ay xidhnaadaan ayaa waajib ku aheyd si ay wakhtiga u ilaashadaan,Macallimiinta iyo Maamulayaashuna waxa ay jeclaayeen kuwii wakhtiga dhawri jirey.waxaana daaqadaha iyo banaanada laga soo arki jirey kooxaha dib u dhaca iyo habsanka badan ee la joojiyo aroor kasta.sidaasi oo kale ayaana maanta weli xaadiriskii goobaha shaqada loo daba wadaa ardeydii shalay oo ah shaqaalaha maanta. 

xaadirisku waa inuu ugu hor xaadiriya qofka dadka xaadiriya,kuwa ina xaadiriya waa u simanahay xaadiriska oo iyaguna wey is qorayaan waana kuwa ugu soo hor kalahaaya si ay tusaale u noqdaan.kuwaasi xaadiriska u qaabilsan shaqada iyo shaqaaluhu waxa ay ku qabaan shaqadooda kalahaad,hadal joogto ah iyo naceyb ay dadka qaarkood ugu qaadeen,waxaaney noqdeen kuwo aan la jecleysan marka la arko iyaga oo la soo socda xaashida saxeexa xaadiriska subaxii,duhurkii iyo casarkaba.su,aalo badana ayaana la iska weydiiya shaqadooda la xidhiidha waxtarka iyo faa,idada ku jirta marka la arkaayo in aan wax saameyn ah nidaamka xaadiriska shaqaaluhu ku laheyn hawlaha socda iyo mushaharka shaqaalaha toona,waayo waxa lagu bartey xarumaha shaqada laguna arkaa shaqaale dhawra saacaddaha shaqada kuwaasi oo xitaa wakhtiga xaadiriska horteed soo gala xafiisaadkooda iyo kuwo caan ku noqda ku tumashada saacadaha shaqada iyo jebinta sharciga u yaalla dhanka wakhtiga haddana aan waxba laga qaban karin. 

Mushiinka loo yaqaano“Fingerprint Attendance Machine”,wuxuu inoo beddelay diiwaankii iyo warqaddihii shaqaalaha subaxii lagu xaadirin jirey,xarumo badan oo shaqo gaar kuwa gaarka loo leeyahayna wuxuu u buuxiyey kaalin miisan leh marka laga hadlaayo la socoshada wakhtiga shaqada iyo xaadiriska shaqaalaha intaba,Meelo badan oo kalese weli ujeeddadii loo rakibey laguma gaadhin lagumana fulin,Maxaa yeellay maaha mashiinkaasi mid lagu ogaan karo xaadiriska dhabta ah ee shaqaalaha goobtaasi joogga,waxana batey dadka iska dhaafaaya ee aan mareynba,iyada oo dhinaca kale cilladihiisa joogtada ahi ay sababaan in laga waayo  sidii ay wax ugu jireen. 

Shaqaale badan ayaa bulshadeena ku suntan taariikh wanaag la xidhiidha ilaalinta wakhtiga shaqada,Waayo wax macno ah ma sheegeyso xirfadaada aqooneed iyo kartidaadu haddii lagugu barto amma aad qabatinto habsaamida iyo maqnaanshiiyaha badan,taasi oo sababi doonta in qofka shaqaalaha ah sumcadiisu ku dhawaacanto marka uu lumiyo ku shaqeynta wakhtiyada jaanta go,an.”Mohamoud  Osman Mohamed Madaxa Labraryga jaamacadda hargeisa wuxuu ku barayaa in ilaalinta wakhtigu aanu aheyn  keliya wax abuureysa qanacsanaan  ee uu yahay waajib saaran qofka shaqaalaha ah.Dad badan oo kale oo jaamacadda hargeisa jooga ayaan taariikhda dhanka wakhtiga ee sannooyinkii la soo dhaafey ku bartey ilaalinta wakhtiga iyo gudashada waajibaadkooda shaqo kuwaasi oo qaarkood kaba soo horreeya wakhtiga xaadirisku billaabmo in badana ku sii hadha xafiiskooda oo bixiya wakhti dheeri ah,halka xubno kalena ay ku xusan yihiin habsan iyo wakhti dayac joogto ah.

kuwa saacadaha xumaadey sameeya kaalin qiimo leh ayey nolosheena ku lahaayeen haddii aan maanta waxba looga baahneyn,marka ay bakhtido ayaa loo geyn jirey,marka ay biyo galaan ayaa lagula carari jirey,marka suunku ka go,o amma muraayadu xumaato ayaa loo geyn jirey si ay saacad “Swiss” ah suunka uga furaan amma ay baytariga uga saaraan.ilaa hadda nolosheyda weli la ima sugin,habsan iyo dib u dhacna la iguma sheegin.waa taariikh sida aan goobaha shaqada uga shaqeyno iyo wakhtiga aan iman jirney la xasuusan doonno laguguna xusi doonno,ilaalinta wakhtiga ayaana qurux ku reebi doonnta addeega aad qabaneyso.

Abdifataah M.Ahmed 

Ceelaabe_10@hotmail.com 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker