Afhayeenka Al-Shabaab Oo Ku Baaqay In La Dilo Guddoomiyaha Gobolka Mudug
Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa markii u horeysay ka hadlay arrin uu dhawaan sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), midaasi oo ugu gefay masaajida iyo aaddanka.
Afhayeenka ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid gef weyn ku ah Diinta, isagoona dagaal-yahanada Al-Shabaab amray inay dilaan Cabdiladiif Sanyare, oo guddoomiye ka ah gobolka Mudug ee maamulka Puntland.
Waxa uu faray in marka la dilo guddoomiya madaxa laga jaro, maadama uu ku sifeeyay shaqsi murtad ah oo sii kororsaday dambigii uu ku jiray, sida uu hadalka u dhigay.
“Nin baa Gaalkacyo ka hadlay murtad ah oo yidhi ‘masaajida ha la xidho oo addinkooda ayaa i dhiba’ markaas murtadnimada ayuu sii kororsaday, waxaan mujaahidiinta ugu baaqayaa in ninkaas madaxa laga gooyo,” ayuu yidhi Cali Dheere.
Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in Sanyare uu siyaadsaday kufriga iyo gaalnimada uu dhex mushaaxayo, sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Al-Shabaab.
Guddoomiye Sanyare ayaa hore u sheegay in masjidku aanuu agtiisa qiimo ka laheyn, isla markaana uu xidhayo, maadama uu sheegay inuu aad u dhibo addinkiisu.
“Culimadii iyo odayaashii baan qado u sameeyay waxaan ku iri culimo-allaay soo masaajid ma ahan waxa aad ka hadlaysaan, aniga waxba iiguma fadhiyo addinkiisaa I dhiba, kumana tukado, ee ama aan misaajidka ku wada tukanno oo Shabaab dagaal diin been ah bay wadaanee taxriifka ka saxa ama masaajidda waa xirxiraynaa kuligeenna guryahaan ku tukanaynaa,” ayuu hore u yidhi Sanyare.
Sanyare ayaa markii dambe ka cudur daartay hadalkaas, kadib markii ay si cadho leh uga hadleen culimadda oo sheegay in arrintaas ay tahay gef iyo wax laga xumaado, midaasi oo si weyn ugu faaftay baraha bulshada.




