Dowladda Soomaaliya Oo Beenisay inay heshiis la Sexeexaneyso Shirkado Shidaal

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in aysan Shirkaddo shidaal oo dowladda ay heshiis la saxiixaneyso, xiligaan dalka uu ku jiro marxalada kala guurka ah.

Wasiirka ayaa   beenisay warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay oo ku aadan in dowladda Federaalka ay heshiis shidaal qodis ah la saxiixaneyso Shirkaddo Ajnabi ah oo Madaxdooda soo gaareen Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Wasiir C/raxmaan Beyle in dowladda ay la kulantay Shirkaddo doonayay in lala saxiixdo shidaal laga qodayo dalka, hayeeshee aanuu  jirin heshiis lala galay, taasina ay u baahan yahay in sharci loo soo maro.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker