Darraasda Cilmi Ah Oo Ku Saabsan Khilaafka Iyo Sida Loo Xalilo. By: Osman Abdillahi Sool.

Qormadan waxaan ku eegaynaa in ay iftiimiso khilaafka, iyo qaababka loo xalilo, iyada oo la tixraacayo aragtiyada khubarada Cilmiga Management-ka oo uu u horeeyo Peter Drucker, ahna Ruugcadaa la aaminsan yahay in uu yahay Aabaha cilmiga management-ka ee wakhtiyadan danbe. “Conflict” Waa xaalad u dhaxaysa laba qof ama kooxo oo mid walba uu arko ka kale in uu si khaldan u saamayn karo, arrin isaga ku weyn. Is-maandhaaf marka la doonayo in lagu tilmaamo “ Khilaaf “ Waa in uu lahaadaa ama kulmiyaa sadex astaamood oo lagu yaqaano khilaafka.
1- ka u horeeyaa waa in uu noqdaa afkaar kala duwan oo la kala qabo (sax iyo khalad mid kuu doono ha ahaato)
2- In la kala qabo dareen qaloocan (negative) oo qoloba mida kale u aragto in ay ku kacayaan falal raad xun ku yeelanaya danahooda, si toos ama si dadbanba.
3- ka sadexaad oo ah in waxa la isku hayaa uu yahay arrin labada dhinacba ku weyn oo ay danaynayaan, hadii labada qof ama labada kooxood mid kood aanu xiiso badan u hayn arinta markaas khilaaf lama odhan karo waayo waxaa sahlan in uu si dhib yar mid kood u tanaasulo, afkaarta oo kaliya oo lagu kala duwanaadaa ma keenayso in lagu tilmaamo khilaaf, inta ay meesha imaanayso in sutida la Isu-qabto oo qolo walba ay ku dadaasho in aan laga riixin mowqifkooda.Conflict-ka ama khilaafka waxa loo Qaybiyaa labo nooc. Kuwaas oo kala ah:1- functional conflict- khilaaf shaqayn kara, ama socon kara, Functional Conflict –waa khilaafka dhiirigaliya gaadhista Yoolka Ama Target-ka ay koox, hay’ad, shirkad ama dawladi higsato, waa khilaaf caafimaad qaba (positive), dadka khilaafkani u dhaxeeyo waa kuwo si niyad ah u doonaya in ay xal u helaan arrin taagan, iyaga oo isu dhegaysana si mug leh, mid walbana uu xeerinayo in la helo xal faa’iido u leh dhamaan dhinacyada kala afkaarta ah., khilaafka astaamahaan lihi waxuu soo kordhiyaa talooyin cusub, iyo qaabab casri ah, isaga oo Dawlada u suurtagaliya xalal farabadan in la keeno, islamarkaana laga doorto ka u wanaagsan oo la isku dhafsado afkaaro badan aakhirkana ay ka dhalato xal sal-balaadhan. Soo bandhigida afkaaraha badan ee kala duwani waxay meesha ka saaraysaa in dadku u fekeraan hal nooc, ama il-keliya wax ku wada arkaan, taas oo ka dhigaysa Xukuumada
in maskaxdeedu madhalays noqoto.2-Dysfunctional conflict –khilaaf wax curyaamiya, ama aan socon Karin.Khilaafkaan waxaa lagu qeexaa in uu yahay “ is-qabad, khilaaf, iyo kala maan…..kaa soo caqabad ku noqda howl gudashada hay’ad, koox, shirkad ama dowlad iwm”
(Nasiib daro khilaafyada dhacaa noocaan ayay u badan yihiin) waxa uu dhex-maraa khilaafkani dad aan doonayn in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo gaadhi lahaa xal labada dhinacba faa’iido u leh, iyada oo dadkani ay ka duulaan xal ku qotoma guul iyo guuldaro (win-lose solution).Dr.Stephen Covey oo ah khabiir ku takhususay Cilmi-baadhida ku saabsan hab-dhaqanka dadka iyo hogaaminta (behaverial science and leadership) waxa uu qabaa in aragtidan win-lose solution-ku ay salka ku hayso caqliyad uu ku magacaabay Scarcity Mentality- oo ah in wax walba ay gabaabsi yihiin, oo qof ku uu mar walba uu ku dadaalo in uu isagu noqda midka guushu raacdo, waxa uu ku dooday in aragtidaas lagu badalo abundance mentality- oo ah in fursadahu waasac yihiin qof walbana nasiibkiisa iyo qaybtiisa uu helayo, guushaaduna aanay jab u
keenayn qof kale.Marar badan khilaafka noocaan ahi waxuu isku badalaa mid shakhsiyadeed oo qab salka ku haya (ego centric) iyada oo ay dhacdo in khilaaf bilowgiisii aad u yaraa laga dhigo mid weyn ama loo ekeysiiyo mid culus, kaas oo
xalintiisu adkaato.Sidaas dareedadeed ayey qabaan khubarada maamulku in khilaafka mar allaale iyo marka ay muuqdaan astaamihiisu in wax laga qabto, oo aan laga gaban, lagana fogaado in la asturo oo la qariyo, ama la dafiro in khilaaf jiro. Khilaafka curyaamiyaha ahi – Dystfunctional conflict -waxa uu dhaxalsiiyaa ururada, bulshooyinka, dowladaha, shirkadaha iyo hay’adahaba natiijooyin xun-xun kuwas oo ay ka mid tahay hoos u dhac weyn oo ku yimaada qiimaha xidhiidhka, qaneeco yaraan, is-aaminida oo meesha ka baxda, iyo xidhiidhka shaqaalaha oo cakirma. Taas oo dhaxalsiisa aakhirka hoos u dhac weyn oo ku yimaada heerka wax soo-saar ama wax-qabad ee Dawlada, hay’ada, shirkada iyo iwm.Waxay kale oo uu keenaa khilaafka noocan ahi…. isku duubnidii iyo is-kaashigii kooxda oo hoos u dhacda taa soo meesha ka saaraysa gaadhista ama higsashada goolashii ama Yoolkii loo igmaday dawlad, urur ama Ha’ad in ay gaadhaan.Maareynta khilaafyadu (conflict Management) waa nadaam isku xidhan (systematic process) kaa soo higsanaaya sidii loo heli halaa
natiijo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada khilaafku ku dhexjiro, natiijo ku gacan siisa…. hay’ada, bulshada, dowlada, ama shirkada in ay u hawlgalaan si firfircoon islamarkaana ay gaadhaan yoolkii loo aasaasay.Ujeedada xalinta khilaafyadu waxa ay ka bilaabantaa in hoos loo dhigo dhicida khilaafyada curyaamiyayaasha ah(dysfunctional conflicts) islamarkaana la faafiyo falsafada ah in khilaaf walba oo dhaca loo xalin karo si hufan oo turxaan la’a, iyada oo aanay dhinacna ku ahayn jab iyo guuldaro.
Mid ka mid ah dhinacyada ugu muhiimsan xalinta khilaafyadu waa dabeecada ka hortaga (proactive nature) tani waa mid laga rabo in Madaxweynayaashu ama hogaamiyayaashu ay mar walba u taagan yihiin in ay abuuraan jawi aan dhiirigalin khilaafyada curmaayiyaasha ah. Islamarkaana kor u qaada xalal wada-guuleysi (Win-Win solutions) iyada oo aan dhinacna dareemayn in laga badiyey ama aanu uurka ku qaadan calool-xume uu la sugayo fursado danbe oo uu ku ciilbaxo, hadii dhinac ka mid ah khilaafku aamino in natiijadu ay ku jiifsatay islamarkana uu muujiyo qanaaco-daro isaga oo aaminsan in aan waxba laga qaban ama la iska indho-tiray doodiisii ma noqonayso midaasi xal soo af-jara khilaafka, laakiinse waxay ahaanaysaa qunbulad ama bomb aasan oo qarxi kara xili kasta.Waxaa ah arin ka fog xirfada maamul-wanaaga in Madaxweynuhu ama hogaamiyahu noqdo fal-celiye ama (reactionary) taa soo macnaheedu noqonaayo dab-damiye markii dhibku ama khilaafku qarxo isku daya in uu xal raadiyo, adiga oo aan hore u diyaarsan qaabab (mechanisms) aad uga hortagto khilaafka dhicidiisa, ama haduu dhaca-ba si degdeg ah loo soo afjaro.Hadaba hadaad ogaatay khilaafku waxa uu yahay, noocyadiisa, iyo qaababka looga fogaan karo. waxaa maangal ah inaad isweydiiso qaababka lagu xalin karo khilaafka hadiiba uu dhaco ,Talaabooyinka loo maro xalinta khilaafku waa badan yihiin waxaase kuwa ugu muhiimsan ka mid ah:1)Understanding the cause of the conflict: waa in la fahmaa sababta ka danbeysa khilaafka, sababaha dhaliya khilaafka badanaa waxa ay ku soo ururayaan dhowr sababood midkood:
a) Information: inta badan waxaa dhacda in dadku hadal ama arin kaliya in qofba si u fahmo u gaar ah isaga, waana tay Somalidu hore ugu maahmaahdey hadal waa margi, ama hadal nin si u yidhi nina si u qaadey.
b)Process: waxaa dhacda in la isku qabto qaabka howl loo qabanayo, iyada oo hadafka aan la isku diideyn.
c)Objectives: marar badan waxaa dhacaysa in ujeedooyinkaba la isku diidan yahay oo qof walba uu higsanayo Yool iyo ajendayaal u gaar ah.
d)Values: mabaadi’ada iyo hab-dhaqanka oo kala duwanina waxa ay sababaan khilaafyo oogma.
e)Styles: qaabka qofnimo iyo shakhsiyada qofeed ayaa waxa ay keentaa in dadku ku kala duwanaadaan qaab-hadalka, dabeecadaha iyo qaab shaqeedka-ba taa soo marar badan sababta khilaaf.
2) Understand the intensity of the conflict: in la qiimeeyo heerka khilaafku gaadhsiisan yahay, waa in fikrad fiican laga helaa heerka afkaarahu kala durugsan yihiin, ilaa xadkee qolo walba diyaar u tahay in xal la helo, iyo heerka qolo walba ku dhegan tahay mowqifkeeda, ama inta ay tanaasul samayn karaan
3) Select A strategy for solving the conflict: waa in aad dejisaa qorshe fog ama istiratiijiyad aad ku xalinayso khilaafka, waxaa jira afar istiraajiyadood oo lagu maareeyo khilaafyada, mid walbana waxay leedahay duruufo u gaar ah oo aay ku haboon tahay:
a)Collaboration: waa istiraatiijiyad ku dhisan in kooxaha ama shakhsiyaadka is-khilaafsani ay ku heshiiyaan in ay wada shaqeeyaan islamarkaana la gaadho xal dhamaantood qanciya(win-win solution). Istiraatiijiyadaan waxaa badanaa la raacaa
marka aanad ka maarmin wada shaqaynta dhinaca aad is haysaan, ama aad ogaato in dhinac-na aanu ka tanaasuleyn aragtidiisa ,waxaa markaa muhiim ah in qoloda kale aad garwaaqsato xubinta ay ka duulayaan, islamarkaana meel dhexe oo la isla ogol yahay la isugu imaan lahaa. Waxa aad ogaanaysaa in xaalad walba ay leedahay duruufo u gaar ah.
b)Domination: marar badan ayey khasab noqonaysaa in dhinac ka mid ah dhinacyada is hayaa uu maquuniyo dhinaca kale, taladiisuna socoto. Xalkaani waxa uu imaanayaa marka aragtidaadu ay kaaga muhiimsan tahay mida qolada kale, xalkaani waxa uu dhici karaa marka xidhiidhku aanu ahayn halbeeg muhiim ah, islamarkaana aadan u baahnayn
wada shaqaynta qolada kale, wax u curyaamayaana aanu jirin.
c) Accommodation: Tanaasul iyo xero gelin waa xal la isticmaalo marka loo baahan yahay xal degdeg ah, islamarkaana aad gar-waaqsato in qofka kale mowqifkiisu uu aad u durugsan yahay oo ay muhiim kuula muuqato in aad adigu tiisa u raacdo, iyada oo aad xeerinayso muhiimada xidhiidhka shaqo ee idiin dhaxeeya islamarkaana aadan ka maarmin gacanta iyo xidhiidh-shaqo wanaag oo idin dhexmara dhinaca kale, adiga oo og in mowqifkaaga aad ka tanaasuli karto, dhib weynina aanu kaa soo gaadhayn.
d) Avoidance: istiraatiijiyadaani waa mid ku dhisan in la micno tiro khilaafka islamarkaana aadan wakhti ku lumin xalintiisa, waxa ayna siyaasadaani imaanaysaa marka xalku aanu degdeg ahayn, la iskuna jaakidhi karo ama aamusi karo. slamarkaana khilaafku aanu ahayn mid macno badan samayn kara (ka digtoonow ama iska jir in khilaafyo yaryar kugu kaydsamaan waxa ay isku noqon karaan mashaqo weyn oo aan laga sal gaadhi-karin) ama dhinacyada is-hayaa gartaan in ay gacan sadexaad soo dhexgasho oo markaas culeyska xal-raadinta waxaa dhabarka u ridanaya qoladaas dhexdhexaadiyayaasha ah adigana walwal badan kuguma hayso xalinteedu, ama khasaaraha ka dhalan kara in fooda
la is-daro(direct confrontation) ayaa kaaga fudud xal raadin aad ogtahay inaan daawo fiican laga gaadhayn, ama aad ogaato in gunta khilaafku aanay ahayn mid ku dhisan qodobo (principles) ee ay tahay mid ka dhalatay oo kaliya shakhsiyaad is-diiday (personality clash) xal raadinteeduna yahay gacmo daalin.Waxaan rajaynayaa in qormadaan koobani ay u ilfurto oo wada-shaqayn wanaagsan u horseedo Dawlada somaliland iyo Golayaasha Distooriga ah iyo dadka ku kulma shaqooyinka sida kuwa ganacsiga, bulshada….sidii ay uga fogaan lahaayeen khilaafyada wax curyaamiya islamarkaana hadiiba khilaaf dhaco loo xalin lahaa…. sidaas iyo Ismaqal, Is-faham iyo Is-wacyigalin Wanaagsan
By: Osman Abdillahi Sool……Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

home
Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker