Taageerayaasha Trump oo xoog kula wareegay xarunta aqalka Congress-ka Maraykanka

Aqalka ayaa waxaa ka socotay ansixinta doorashada Mareykanka, taasi oo haddii la dhameystiro si rasmi ah Joe Biden uga dhigi laheyd madaxweynaha cusub ee Mareykanka, isaga oo kadibna xilka la wareegi lahaa 20-ka Janaayo.

Hase yeeshee kumanaan ka mid ah taageerayaasha Trump ayaa magaalada Washington ka sameeyey dibad-bax ay ugu magac dareen “Jooji Xatooyada,” ayaga oo ku doodaya in guusha doorashada laga qiyaamay.

Trump ayaa ilaa hadda ku adkeysanaya inaan looga adkaan doorashada madaxweyne, inkasta oo marino badan oo uu maray, oo uu ku beddeli lahaa natiijada doorashada aysan miro dhalin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker