Maxkamad Ku Taala London Oo Diiday In Julian Assange Loo Gacan Galiyo Maraykanka

 

Maxkamad ku taala magaalada London  Carriga Ingiriiska ayaa diiday in Aasaasihii Shabakadda Wararka Sirdoonka aadka u Hesha una Daabacda  ee Wikileaks  Julian Assange loo gacan geliyo dowlada Maraykanka sababo caafimaad awgeed.

 

Garsooraha Maxkamada ayaa horistaagay Codsiga Maraykanka kadib markii xaalada caafimaad ee dhanka dhimirka aysan caadi ahayn halisna uu ugu jiro inuu isdilo haddii Maraykanka loo gacan geliyo.

 

Assange oo 49 jir ah ayaa loo haystaa inuu daabacay kumanaan dukuminti oo sir ah Kuwaasi oo uu ku  kashifay Siro badan intii u dhexeysay 2010 iyo 2011.

 

Maraykanka ayaa ku eedeynaya Assange in uu halis geliyay nolosha dad badan oo Maraykan ah waxana ay dadaal xoog leh u gashay in loo soo gacan geliyo balse Assange ayaa ku macneeyay arrintan inay tahay mid siyaasad salka ku haysa.

 

Dowlada Maraykanka ayaa haysta muddo 14 cisho ah si ay racfaan uga qaadato dacwadan. Waxaana dib loogu celiyay Mr Assange xabsigii uu ku jiray

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker