Guddiga Doorashada Somalia Oo Caddeeyay Mowqifkooda ku Aadan Khilaafka Gobolka Gedo.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, Maxamed Xasan Cirro,
Ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Xiisada ka taagan Gobolka Gedo iyo mowqifka uu guddiga Doorashadu ka taagan yahay cidda maamulaysa doorashada lagu qabanayo Garbahaareey.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in arrinta ka taagan Gedo ay tahay khilaaf Siyaasadeed oo iyaga ka sarreeya loona baahan yahay in Dowladda Federalka iyo maamulka Jubbaland ay xal buuxda ka gaadhaan ka hor doorashada.
“Anaga Guddi ahaan waxaan soo dhoweynaynaa tallooyinka Axmed Madoobe, laakiin arrinta Gedo, waxaan ku sheegi karaa in ay tahay arrin Guddigeena ka sareysa oo la rabo in ay iyagu ka heshiiyaan oo noo sheegeen meesha doorashadu ka dhacayso” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.
Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in guddi ahaan ay diyaar u yihiin in ay dhegaystaan cabashada Madaxweyne Axmed Madoobe uu ka qabo guddigooda islamarkaana ay tixgalindoonaan talooyinkiisa odeytinimo.
“Heshiiska doorashada ee aan hayno wuuxu sheegayaa in Axmed Madoobe uu masuul ka yahay doorashada ka dhacayso Gedo iyo guud ahaan Jubbaland,
Laakiin awood uma lihin in aan xal ka gaadhno khilaafka siyaasadeed ee hadda ka taagan Gedo.
Gobolka Gedo haatan waxaa gacanta ku haya dowladda federalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland ayaa dalbanaya in dib gacantiisa loogu soo celiyo si uu u Maamulo doorashada Xildhibaanada ee La Rabo inay ka Qabsoonto Xarunta Gobolka Gedo ee Garbo_haaray




