Madaxwaynaha Faransiiska oo La Tiiraanyaysan Askar Lagaga Laayay Wadankan Maali
Bamako (OWN) Labo Askari oo u dhashay dalka Faransiiska aya lagu dilay gudaha wadanka Mali, dilkan ayaa ka dhacay waqooyi barri ee caasimada Bamako,
kadib markii gaadhi ay la socdeen uu la kulmay qarax la dhigay waddada.
Tiradda dhimashada ayaa gaadheysa ilaa 50 Askari oo lagu dilay waddankan dhaca galbeedka Qaarada Afrika taniyo 2013-kii .
Markii Ciidanka Faransiiska ay soo faragaliyen dhaq-dhaqaaqyada milatari ee lagaga soo horjeeday xoogagga dowladda kasoo horjeeday sida laga soo wariyay shaqaalaha ciidanka Faransiiska .
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka tacsiyadeeyay dhimasha Askartiisa, waxaanuu hoosta ka xariiqay in ay aad uga xun yihiin dilalka lagu hayo Askartiisa howlgalka ka haya Maali.
Ciidanka Faransiiska waxay tiradoodu gaadhaysaa 5,100 askari oo ku baahsan gobolka Sahel, waxayna la dagaallamayaan kooxaha jihaad doonka ah oo ay weheliyaan askarta ka socota wadamada Mauritania, Chad, Mali, Burkina Faso iyo Niger.




