Madaxwayne Trump oo Ka warwarsan Cod Sir ah oo Laga Duubay
Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa Cod sir ah oo laga duubay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee dalka Mareykanka Donlad Trump , waxaana codkan uu hadal heyn badan ka Abuuray gudaha Mareykanka.
Codkan sida Qarsoodiga ah looga duubay Madaxweyne Donald Trump ayaa laga maqlayay isaga oo Xoghayaha Maamulka Georgia State ku cadaadinaya inay wax ka bedalaan natiijadii doorashadii looga guuleystay .
Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahinaya codkan laga duubay Madaxweynaha , Codkaas oo uu ku codsanayo in wax laga bedelo Natiijada doorashada Georgia State si culays loo saaro Musharaxa ku Guuleestay Doorashada ee Joe Biden.
Shaacinta codkan sirta ah ee laga duubay Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili ay fashilmeen dacwado badan oo Xisbiga Jamhuurigu ka gudbiyeen natiijadii Doorashadii Trump lagaga Adkaaday.
Natiijada Doorashada ay soo gudbiyeen dowlad Goboleedyada dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacada ay Ansixiyaan natiijada doorashada ee uu ku guuleestay Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden.




