Dawladda Turkiga oo Cambaaraysay Weerarkii Maanta Lagu dilay Injineer u dhashay Dalkeeda Qaar kalena lagu dhaawacay

Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay Qarax is-miidaamin ah oo barqadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Gaar ahaan deegaanka Lafoole, kaasi oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha ku teedsan duuleedka Magaalada Muqdisho.

 

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu Cambaareeyay Qaraxaas is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda iyo Shaqaale ka tirsan Turkiga oo ku sugnaa goobta.

 

 

Turkiga ayaa xaqiijiyay in hal Muwaadin uu qaraxaas kaga  geeriyooday, halka afar kalena ay dhaawacyo soo gaadheen, kuwaasi oo kamid ahaa Injineero dhisayay wadada isku xidha Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay sii wadayaan howlaha horumarineed ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Lafoole, iyagoona sheegay inuu fuliyay qof isa-soo miidaamiyay.

 

 

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaas ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Turkiga, halka labada kalena oo tirsan Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad ay dhaawacyo kasoo gaadheen.

 

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka ah ee Somalia oo ku aadan qaraxii ka dhacaay deegaanka Lafoole,

 

mana aha markii ugu horreeyay oo qarax Is-miidaamin ah uu ka dhacdo wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker