Dab xoogan Oo Caawa Ka Kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Muqdisho(OWN)- Dab xoogan ayaa caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Dahablaha, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

 

Dabkan oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa qabsaday Bakhaar ku yaalla qeybta Dahablaha, waxaana la sheegay inuu ku faafay qeybo horleh.

 

Ciidanka ammaanka ayaa tagay aaggga uu Dabka ka kacay, waxayna ka hortagayaan in bililiqeysto hantida shacabka.

 

Gaadiidka Dab damiska Gobolka Banaadir ayaa ku hawlan sidii ay u damin lahaayeen Dabkan, si uusan u faafin, Bishii dhamaatay ee Janaayo ayaa sidan oo kale Dab waxa uu ka kacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Huudheyda.

 

Oodweynenews Muqdisho

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker