Umadu uma baahna madax iska dhaadhicisa! Waxay u baahi qaban noloshooda cid wax ka qabata .

Adamaha wuxuu ku kala duwan yahay ama ku kala fogadaa hadba jiilka iyo jooharada hogaamineysa, jooharadasi haday tahay mid naxariis iyo nugeyl badan oo ay ka dheertahay qalafsanan iyo isu bogida, hogaamiyeyaasha somalida badideeda lagu arko, jooharadasi waxay noqon kartaaa mid humaaga hogaamineed ee ay leedahay mid hir dheer gaadhsiiya umadasi.
Nolosha adamaha wax xidhaa waa hananka dhaqan iyo dhaqaale ee bulsho kasta oo caalamka ku nooliba ay leedahay, hadaba hananka dhaqan iyo dhaqaale ee bulshadeenu boqolkiiba 65 % sida loo badiyo waa reer guuraa, xoolo dhaqato ah,gobolkastana uu leeyahay reer guura , mana jiro gobol ay u gaar tahay haba loo kala badnadee, hadaba wali lama arag madax ama madaxweyne odorosay hanan ka duwan hananka qarniyo fog ay bulshadani u soo dhaqnayeen, ama u noolayeen isla markasina u munaafacadsan jireen ama u quudan jireen nolol maalmeedkooda , waxan taasi uga socdaa bulshada caalamka ee aynu kubadan calamiga ah, cidkasta alle ku abuuray kuwada noolnahay waa kuwo uga korey habab casri ah, iyaga oo iswaafajinaya , hab nololoodkoodii hore iyo hababka casriga ah, iyo nidaamka technologeis ka ah, ee aduunyadu u sii kordhaya maalinba maalinta ka danbeysa . Iyada oo lasameeyo deegameyn iyo dib u dejin bulsho baahsan isla markasina loo ururinaayo si loo ogaan karo isla markasina loo bud dhigi karo , hanan wax soo saar cusub iyada oo waliba la darsayo in la bud dhigo qaabab shaqo .

Hadaba xukumada maanta ee hogaamiyaha u yahay muuse biixi , wakhtigii lagu jirey ololaha waxay balan qaaday in ay diyaarisay, hanan lagu bedelayo qaab nololeedkii hore ee reer guuraga ah, loona bedelayo wax loogu yeedhay nidaamka degameynta iyo munafaadacadsiga xoolaha nool. Iyada oo loo saameynayo dib u dejin iyo degameyn baad iyo biyo ba leh. Isla markasina taasi ay sameyneyso kordhin iyo kor u qaadid xaga dhaqaalaha iyo dhaqankaba ah.
Wakhtigu waa sanad kadib , mana jirto hanan iyo hab bulshadasi aynu qiyaasteeda haynaa , wax dhaqdhaqaaqa loo sameyey , loona dajiyey qorshihii ku talo galku ahaa, mana muuqato sanadkasi in ay jirto habab casri ah, oo xataa bulshada loo soo bandhigay, balse taasi bedelkeeda iyo xusuusteeda madaxweynuhu safarkiisa sanadlaha aha wuxuu u bedelay , baar qab isu bogay, isla markasina is muujinaya cududiisa ciidan iyo calan.
Mudane madaxweyne kagama baahnin in aad noqoto isu boga , balse bulshadu waxay kaga fadhidaa xukumad sal balaadhan, laba miduun xul ama xal .
Umadanina waxad ka burburiseen dawlad waxkasta ay ka heli jireen , shaqaale lahayd, isla markasina waxbarasho dhameystiran lahayd, isla markasina biyo nadiifa iyo dhaqaale buuran lahayd, hadaba madaxweyne xilku waa meerto adiguna dhaxal umaad helin, inta aad qaranka hageyso ha lagaa helo wixii aad mucaaridka ku noqotay in aanay umadu dib kugu arag. Ilayn caqligayga nama wada qabto,
‘’ in aad marna na tidhahdo way hagranayaan ‘’ marna na tidhahdo
‘’ ninka kursiga fadhiya ayuun baa og kaar ka haya ‘’
umadu waxay kaga fadhidaa samata bixinta nolosha sii cakirmaysa , ee bulshada aad u hobaleyneyso.

Qore : sirmohamud hussein mohamed ( Awliyo )
E-mail : mohoud.amin@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker