Shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Somaliland

Maqaalkan koobaan waxa aynu ka qaadaa dhigi doonnaa waxyaabaha keenay shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Somaliland iyo saameynta ay ku yeelanayso iyo waliba sida looga bixi karo mushkiladan, inaga oo maqaalkan dhexdiisa kaga jawaabi doonna su’aalo maanga bulshadeena mashquuliyey sida dalkeena ma shaqo yari baa ka jirta mise shaqaale la’aan?
Dhalinyarada Somaliland ayaa ka cabanaya shaqo yari soo wajahda, gaar ahaan marka ay jaamacadaha soo dhammeeyaan, qiyaas ay samaysay wasaarada qorshaynta ayaa lagu ogaaday in 85% dhalinyaradu ay shaqo la’aan yihiin.
Ajaanibta ku nool Somaliland oo 20 kun gaaraya, ayaa qabta shaqooyin inta badan dhalinyaradu ka faanaan ama aanay u lahayn khibrad.
Waa maxay shaqo la’aantu
Shaqo la’aantu waa helid la’aanta fursad shaqo uu heli waayo qof shaqayn Kara hadan raba oo raadinaya. Qeexidaas waxaynu ka qaadanaynaa in qof walba oo aan shaqo haynin inuusan shaqo la’aan ahayn, sida ardayda, hawlgabka iyo dadka aan jidh ahaan iyo maskax ahaanba dhamaystirnayn iyo xitaa qofka aan la iman dadaal lagu heli karo shaqo.
Noocyada shaqo la’aanta
Shaqo la’aantu waxay ku iman kartaa afar sababood midkood hadaynu dhinaca kalana ka istaagnana shaqo waayuhu afartaa sababood midkood ayuu ku waayi karaa shaqo.
⦁ Shaqo waaye xilliyeed: waxa uu shaqo la’aan noqdaa xilliyada xilli ka mid ah oo ayna shaqadiisu munaasib ku aheyn.Tusaale ahaan qofka xilliga qaboobaha iibiya dharka dhaxanta celiya marka uu xilliga kulayluhu soo galo waxa soo wajahaysa shaqo yari amaba se shaqo la’aan.
⦁ Shaqo waaye dhaqdhaqaaq suuqeed: waa shaqo la’aanta uu keeno isbeddelka dhaqaale tusaale ahaan marka uu dhaqaalaha hoos u dhac ku yimaado, shirkadahana wax soo saarkooda ayaa hoos u dhaca, hadii uu wax soo saarkoodiina hoos u dhacay waxa sidoo kala hoos u dhacaysa faa’idadoodii, hadaba hoos u dhacaa ku yimid faa’idadoodii waxay ku kalifaysaa in shaqaalahoodii ay dhimaan. Dadkaas shaqada ku waayay xaaladaas ayaa loo bixiyey shaqo waaye dhaqdhaqaaq suuqeed.
⦁ Shaqo waaye dib u qaabayn xirfadeed: waa shaqo la’aanta shaqo waayaha ku dhacda marka uu xirfad uu hore ugu shaqaysan jirey laga guuro taas oo ay sababtay hore-umar xaga technolajiyada laga sameeyey awgeed sidaas Na uu ku noqday mid aan xirfadiisa loo baahnayn. Hadaba waxa uu shaqo uu dib ugu heli karaa qofka ay taas oo kale ku dhacdo in uu dib uqaabayn ku sameeyo xirfadiisa oo uu barto xirfadaha cusub ee suuqa looga baahanyahay
⦁ Shaqo la’aan dabiici ah: waxay culimadda dhaqaaluhu sheegaan in shaqo la’aanta aan marnaba laga dhigi Karin zero oo ay marwalba bulshada dhexdeeda shaqo la’aantu ka jirayso laakiin marka shaqo abuur buuxa la gaadho (full employment) ay kaliya jirto nooca shaqo la’aanta ee uu shaqo waayuhu uu iskii u doorto.
Door intee le’eg ayay shaqadu ka qaadataa hore-umarka bulshada
Shaqadu waa sharaf qofka bini aadamka ah waxay u tahay heybad iyo karaamo, shaqaday doonto ha ahaato marka laga reebo shaqooyinka islaamka dhexdiisa xaaranta ka ah. shaqadu waxay ka nadiifisaa bulshada dhamaan shaqo la’aanta Hadii lagu kala duwan yahay shaqooyinka ceeb ma aha oo qof walba waxa uu ku shaqaystaa waxa uu aqoonta uleeyahay laakiin sax maaha in laysku liido shaqooyinka qaar sida xammaalka ama biro garaaca, waayo rusushii la soo diray qaarbaa ka soo shaqeeyay qaarna waxay ahaayeen nijaar qaarkalana tujaar bay ahaayeen qaarna adhi bay soo raaci jireen waxa xusid mudan si loo helo hore-umar in aan la isku liidin shaqada.
Hadaba iyadooy sida tahay dalkena manta waxa ka taagan dhibaato shaqo la,aaneed oo ragaadisay hamiga dhalinyaro badan oo jamacadaha kasoo baxaysa sanad kasta. Sidaa la’ajiligeed waxaynu kusoo qaadan doonaa ah mushkilada shaqo la,aanta. Maxaa keenay? Sidee looga bixi karaa shaqo la,aanta? Inagoo midkasta si qoto dheer ugu faah faahin doono.
QAYBTA 1AAD:SHAQO LA’AANTA MAXA KEENAY?
Been ma aha hadaan ku idhaahdo camal la’aantu wa dhibaato dunida oo dhan kajirta oo wada saamaysay balse heerka shaqo la’aantu uun uu ku kala badanyahay wadamada dunida, hadii aynu inyar dib ugu noqono kacdoonadii kadhacay wadamada carabta sanadihii inasoo dhaafay afka qalaadna loo yaqaan (Arab spring) ama gugii carabta, waxa ugu wayn ee uu ka kacay waxay ahayd shaqo la’aanta dhalinyarada oo aad ubadatay wadamadaas.
Hadaba marka aad Somaliland daristo shaqo la’aantu waxay maraysaa heerkii ugu saraysay abid 85% taasoo ka dhigan in afar meeloodow saddex meelood dadka Somaliland ku nooli aanay wax shaqo ah hayn nolol maalmeedkoodana aanay kafayn Karin, taasoo keentay in dhalinyaradii lafdhabartii wadanka ahayd ay hadhcad tahriibaan oo ay mawjadaha badda iyo saxaraha weheshadaan gaajo, haraad iyo walibana jidhdil ay ugaystaan calooshooda ushaqaysayaal lagu magacaabo magafayaal, dhinaca kale waalidkii soo tarbiyadeeyay ee kusoo tabcay ee sugayay inay nasiyaan ayaa marka lasoo sheego in inankoodi/inantoodi tahriibeen ay kunoqotaa naxdin iyo werwer taasoo mararka qaarna keenta caafimaad daro lasoo darista hooyada dhashay inankaasi/inantaasi tahriibtay.
Hadaba iyadooy xaaladu sidaa tahay ayaad arkaysaa in aan si hufan loogu hawlgalin sidii wax looga qaban lahaa shaqo la’aanta dhalinyarada, balse layidhahdaa dhaqaalaheenaa yar oo waxba kama qaban karaynu, waxaynu nahay dal yar oo curdina oo aan la aqoonsanayn marka awood malihin aan wax kaga qabano, lakin aan idin waydiiyee Taiwan miyaa la aqoonsan yahay?
Sinagapore miyaa la aqoonsan yahay?Jawaabtu waa maya haddana waxay dhisteen dhaqaale ay kula tartamayaan manta wadamada Europe arintuna dhaqaale badan oo aad haysato iyo aqoonsi kuma xidhnee waxay ku xidhantahay sidaad wax u maamulato
Hadaba waxa iswaydiin leh dhibaatadanshaqo la’aanta maxa keenay?Maxaa se wax looga qaban waayay? Maxay xukuumadu ay talaabo cad uga qaadi wayday si loo yareeyo shaqo la’aanta dhalinyarada ulana iman wayday qorshe cad oo ku wajahan shaqo la’aanta dhalinyarada?
Waloow aynan halkan kusoo koobi Karin sababaha keenay shaqo la,aanta hadana waxaan soo qaadan doonnaa dhowrkan qodob oo aan isleeyahay waa kuwa ugu muhiimsan.
1.Nidaamka waxbarasho ee jaamacadaha wadanka oo aan inta badan ku salaysnayn baahida wadanka taala
Tusaale ahaan wadamada horumaray waxa lasameeyaa waxa loo yaqaan qorshaynta shaqaale waynaha qaranka ama (National Human Resource Planning) taasoo lasoo saaro muxu shaqaale wadanku haystaa?Se maxa shaqaale loo baahanyahay sanadka soo socda? Imisa Dr? Imisa Eng? Imisa dhaqaaliyahan?Imisa xisaabiye?Imisa farsamo yaqaan? Iwm.Sidoo kale waxa la qiimeeyaa kuliyadaha uu wadanku ubaahanyahay ee fursado shaqo laga heli karo iyagoo marwalba qiimaynaya baahida shaqo ee wadanka taalaa maxay tahay?Se maxa wadanku ubaahanyahy?tusaale ahaan hadii uu wadanku xeeb ku yaalo waa in ardayda labaraa Marine Engineering ama xirfada kaluumaysiga aad loo xoojiyaa.
Dabeeto waxa lafaraa jamacadaha inay soo saaraan tirada baahida aqoonyahan ee wadanka ka jirta.Laakiin Somaliland majiro nidaamkani lagu qiimeeyo maxa loo baahan yahay inay jaamacaduhu dhigaan?Maxay tahay baahida wadanka taalaa?
2.Dadkena oo aan waxba soo saaran 85% waxyaabaha quutal daruuriga ee aan quudanaa waxay inooga yimadaan dibada tusaale ahaan waxaynu quudanaa bariis iyo basto mana beerano ee dibada ayay inoga yimaadaan dibada, sanadkii 2012 ayay wasaaradena beeruhu iclaamisay in bariisku uu kabixi wadanka taasoo walibana la tijaabiyay oo lagu guulaystay hadana ilaa hada mahayno oo maynaan aragbariis Somaliland kabaxay oo suuqyada soo galay,maxa dhacay? Maxaynu ubeeran waynay? Maxay ganacsatada bariiska soo dejisaa ay Kan dalka laga beeray umaal gashan wayday? Tolow ma ka dibada laga keenaa ka aad beerato ka macaash badan? Jawaabtu waa maya ee kanaaba ka kharash yar ka cashuur yar gaadiid iyo socdaal dibadeena aanu ku baxayn.
Tolow hadaa muu ka tayo yaryahay?Maya ee sida ay sheegeen khubarada culuumta beeruhu shaygaaad beerataa ka aad soo dhoofsato oo aad waxkaste ka filan karto, hadabaa maxaa khaldan ma waxaynu awodi waynay inaynu bariiska aynu cuno oo kaliya xitaa lasoo baxno?
Dhinaca kale bal ila eeg akhriste tirada ardayda iskuulada Jamhuuriyada Somaliland ee primary iyo secondary waa 400,000 oo arday kuwaas oo sanad kaste ubaahan dirays ama balcad hadaba hadii halka dirays ee shaadh iyo surwaal yahay $18 waxaad ku dhufataa 400,000 waxay soo baxaysaa lacag dhan 7200,000 todoba milyan iyo laba boqol oo kun oo US dollar ah, waa lacagta sanadkii ardaydena kaga baxda dirays.
bal hadaba hadii aan samaysano sharikad farsamaysa dharka qalabka shirkada iyo dhamaan inputkeeda waxaad tidhaahdaa waa $3 million, waxa aan ka shaqaalaysiinay 3000 oo dhalinyarta Somaliland ee jaamacadaha kasoo baxday ah hadii aan midkiiba mushaharka bishii lasiinayaa yahay $300 markad kudhufato waxay soo baxaysaa $900,000 markad xisaabtii hore ugaysana waxa weeye $3,900,000.
Hadaba markad eegto shirkada ugu weyn ee dharka samaysa wadanka hindiya waxaa lagu maal galiyay lacag dhan $8 million.
Xisaabtan kuma jiraan dirayska ciidamada iyo dharka caadiga ah ee dadwaynaha oo iyana ku xisaabtankooda leh.
Waxa laga yaabaa inaad leedahay oo xagee lacagta intaa leeg laga keenayaa? Taas jawaabteedu waxa weeye bulshada hadii uu hogaankeedu yahay mid ka daacad ah horumarka dalkiisa aragti dheer iyo hiigsi fogna leh shacbiguna uu yahy mid gacmaha ishaysta hal warshad baynu ka hadlaynaaye 100 warshadood baynu samaysan kari lahayn laakiin aaway caqligii inagu hogaamin lahaa?
Waa takale e sanadkii 2012kii markii ay abaaruhu iyo gaajadu ka dhacday wadankan aynu jaarka nahay ee Somalia wiigag gudahood ayaa loogu ururiyay lacag dhan dhowr milyan, hadaba iswaydii lacagahaas yaa bixiyay?Miyanay dadwaynuhu iska ururin?
Sidoo kale hadad eegto wadadan uu hadda dhismaheedu ka socdo gobolka sanaag waxa ku baxaya boqolaal milyan oo dollar ilaa hadana caawimo dibadeed lama sheegin waxa lacagta bixinayana waa shacabka oo isku tashaday lakiin uu horkacayo hogaanki qaranku.
Dhinaca kale diiwaan galintan madaniga ah ee ay hadda dowladu wado waxa ku baxaysa lacag dhan $4 million oo dollar sida uu wasiirku sheegayna deeq bixiyayaashu waxba kumay darsan ee xukuumada ayaa jeebadeeda ka bixisay hadaba bal iswaydii xagay katimi lacagtani?
Sow cashuurtii dadka laga qaaday uun maaha sidaa daraadeed wax waa la qabsan karaa shaqo la,aantana waa laga bixi karaa laakiin waa hadii ay xukuumadu garato.
3.Shaqaalaha ajnabiga ah ee ka shaqaysta dalka: Akhriste markaad eegto xafiisyada kala duwan ee hayadaha caalamiga ah, jaamacadaha, wasaaradaha, iyo sharikadaha ganacsiga dalka waxa ka shaqeeya shaqaale ajnabi ah oo haya shaqo ay ardayda jaamacadaha kasoo baxaysaa qaban kakri lahaayeen, wadamada dunidana muwaadinku isagaa leh mudnaanta 1aad fursadaha shaqo ee dalka ka jira oo dhan laakiin wadankeena waxaad moodaa inay dadkenu aaminsan yihiin in ajnabigu uu ka aqoon iyo karti badan yahay kan muwaadinka ah iyagoo mararka qaarna kuugu faanayaba iyagoo ku odhonaya “waxa noo shaqeeya khubaro caalami ah” balse ay jiraan muwaadiniin ka aqoon iyo karti badan ajnabiga qaban karana shaqo kasta oo uu qaban karo ajnabigu.
Maalin maalmaha kamida oo aan salaad hore kalahay ayaan booqday goob dhsime kasocdo, dhismaha waxaa gacanta ku hayay koox /shirkad masaari ah,
magaranayo ma shirkad dhismaha mashruucaa fulisaa dalka laga waayay? Kooxdaas masaari ah tiradooda ugu yaraan afartan waan ku qiyaasay hadaanay ka badnaynba, shaqaalaha meeshaas joogayna waxay ubadnaayeen ajnabi isugu jiray Masaari, Oromo iyo Xabashi, waxaana kujiray tiro yar oo Somali ah oo werwerka ka muuqda aad aad uga naxaysid.
Waxaan soo dhex istaagay safka oo uu markaas galinayay ninka masaariga ahi shaqaalaha si inta loo xaadiriyo ay shaqada ugalaan
Ninkaas masaariga ahi sida uu ula dhaqmayay shaqaalaha muwaadininta ah waxad modaysaa taliye xabsi oo la tacaalaya maxaabiis, hadalada uu isticmaalayay ee ay dhagahaygu maqlayeen waxa kamida ahaa “ximaar soomaali, mutakhalif, maa ish yufakir” taasoo ay udheertahay hanjabaada iyo cago juglaynta uu ninkaas ajnabiga kula kacayay shaqaalaha.
Waan yaabay waxaan uqaatay inaan qaahira joogo waayo waligay ma arag wadan uu qof ajnabi ahi gumaysi iyo tacaddi kuhayo qof muwaadin ah oo dhulkiisii jooga,
Laakiin maya meesha waxani ay ka dhacayaan waa hargaysa caasimada Somaliland ee cidna uma maqna ceelna uma qodna muwaadinkaas isagoo ciidiisii jooga uu ajnabigu tacadiga maalinlaha ah ugaysanayo, ILAAHAY ayuu leeyahay.
4.Isla waynida shaqo ee dhalinyarada:Hadad ufiirsato dhalinteena midkastaa wuxuu doonayaa xafiis sare, kursi wareegaya ama title sare, taasina waa riyo aan wada suuroobayn.
Ogow akhriste noloshu waa talaabooyin taxane ah oo is daba yaala taasoo ay tahay inad midkasta kasoo talaabsato, labana waxa ka horaysa hal, sidoo kalena guusha waxa ka horaysa waxa ka horaysa guuldaro wax walibana xaga hoose ayay kasoo bilaabmaan mana jiro aduunyada isagoon dhib usoo marin madaxweyne ama maal qabeen wayn iska noqday marrka laga reebo mid dhaxal ahaan uhelay.
Hadaba hadii aan tusaale usoo qaadano qaar kamida hogaamiyayaashii dunida ka caan baxay waa madaxweynihii hore ee wadanka Prazil Lula Da Silva, waxa uu ahaa shaqaale hoosaad nolosha kasoo bilaabay heer aad uhooseeya oo uu ahaa baalashle, waxa uu ku noolaa guri qolyar ah oo aan reerkooda ku filnayn oo cidhiidhi ku ahaa, waxbarashada markuu fasalka 6aad marayay ama (grade six) ayay hooyadii ka bixin kari wayday fiigii sikuulka , dabeeto waa uu iskaga tagay, kadib waxa uu galay suuqa taasoo uu xirfadiisa baalashlenimo kaga shaqaysan jiray shaaricyada waawayn ee magaalada Sawapalo, haddana dadaal iyo halgan dheer kadib wuxuu ku guulaystay inuu noqdo madaxwaynaha wadankiisa Brazil, walibana muddo laba jeer ah shacabkiisu doortaan.
Dhinaca kale hadaad eegto diinteena islaamku waxay ina faraysaa in qofku uu shaqaysto oo uu gacantiisa kulasoo baxo risiq uu waddo xalaala umaray waxanay ino diiday qofka oo ku tiirsanaada su,aasha dadka waxana Nabigeena lagasoo wariyay N.N.K.H inu yidhi “Midkiin inu dhabarkiisa kusoo xaabaysto ayaa uga khayr badan inuu dadka wax waydiisto oo lasiiyo ama loo diido”.
Hadaba markad xadiiskan ku dabaqdo waaqica nolosheena manta waxad arkaysaa dhalinyaro badan oo shaqo la,a haddana hadii lasiiyo shaqo uu kumeel gaadho ku jawaaba tusaale ahaan ( ma anigaa waiter noqda? Anoo jaamacad kasoo baxay? Oo intaasoo dhan maxaan wax usoo baranayay hadaan waiter ku danbaynayo? Maya maya haka yaabin iyo hadalo lamida) Hadaba waxa xusid mudan iyagoo taas badalkeeda su,aal iyo shaxaad ku shaqaysta oo dhididka qaykood ku dul noolaada halka uu ka dayacay shaqo laga yaabee uu kaga kaaftoomi lahaa su,aasha dadka oo ay dadkenu shaxaad u yaqaanaan.
5.Noloshii baadiyaha oo gabi ahaanba meesha ka sii baxaysa :
Sida aynu wada ognahay lafdhabarka dhaqaalaha Somaliland wuxu ahaa xoolaha nool balse baryahan dambe waxaad moodaa in taasi ay ka sii baxayso xoolihii waxay khaati ka taaganyihiin dad daaqii ay quudan lahayeen seero waawayn oo aan waliba waxba ka beerayn , sidoo kalena dadkii kadib markay waayeen biyo,adeeg caafimaad iyo gabi ahaanba baahiyaha asaasiga ah ee nolasha waxay ku ka leftay in ay kasoo qaxaan oo ay magaalooyinka soo camiraan, markay magaalada soo galaana inankii miyiga ka yimid majirto xirfad ama aqoon uu yaqaano oo uu ku shaqaysto aan ka ahayn dhaqida xoolaha.
Dabeeto waxay keentaa inuu wayaba fursad shaqo,markaauu shaqo la,aan magaalada iska warwareego iyadoo aakhirkana keenta falal danbiyeedyada dhaca ah ee baryahan danbe magaalooyinka Somaliland.
QAYBTA: 2AADSIDEE WAX LOOGA QABAN KARAA SHAQO LA’AANTA DHALINYARADA?
Waxyaabaha aan ku yarayn karno shaqo la’aanta waxa kamida:
1)Dowladda oo dhiiri galisa waxsoo saarka wadanka iyo sidii dadku iskii wax ulasoo bixi lahaa dhinacyada kala duwan ee kaluumaysiga, beeraha, wershadaha ganacsiga, iyo dhamaanba maalgashiga dalka gudo iyo dibadba.
2) Dadka hawlgabka ee dowlada ka shaqeeya dowlada oo lagu badalo dhalinyaro maskaxdodu fresh tahy iyo dadkaas hawlgabka ahna loo samaynayo qorshaha hawlgabka ama waxa afka qalaad loo yaqaano (retirement plan).
3) Dhalinyarada oo laftoodu iska kaashada sidii ay usamaysan lahaayeen sharikado yaryar oo iyagu leeyihiin, xasuusnow 1+1=2, dhagax + dhagax loo geeyayna wa dhisme gacan+gacan loo geeyayna waa xoog, midnimo iyo wadojir ayun bay laba gacmood waxku qaban karaan.
4) Baananka islaamiga ah oo la hirgaliyo.
5) Ganacsatada oo dalkooda maalgashada kana waantooba soo dajinta badeecado dalka lagu farsamayn karo, waayo tani waxay fursad shaqo u abuuraysaa dhalinyaro badan sidoo kalena waxay kor uqaadaysaa dhaqaalaha wadanka.
6) Dugsiyada xirfadaha gacanta oo la hirgaliyo:
Sideedaba qofku haduu leeyahay xirfad ama farsamo uu ku shaqaysto waxa la yidhahdaa qofkaasi ma gaajoodo lakiin dalkeena waxad arkaysaa dhalinyaro badan oo jamacadaha ka baxay haddana aan lahayn xirfad ay ku shaqaystaan markaas waa in la sameeyaa dugsiyada xirfadaha gacanta ama dugsiga sare ardayda lagu baraa farsamada gacanta si uu qofku isagoo aqoontiisii jaamacadeed wata hadii uu shaqo ku waayo uu noloshiisa ku dabooli karo xirafadan gacanta ee uu bartay markaas aanu marnaba qofki shaqo la,aan ku dhicin.
7) Internship Program oo la hirgaliyo kaasoo ufududaynaya ardayda in marka uu jamacada kasoo qalinjabiyo uu ugu yaraan laba sanno ama sannad shaqada dowlada bilaabo tabaruc ahaan, taasoo labadaa sanno ama sanadkaa uu qofka dhalinyarta ahi fursad u helayo inu si fiican ula qabsado goobta shaqada, waayo aragnimo ku filana ka qaato cilmigan uu doonayo inu ku shaqaysto sida loogu shaqeeyo.
8) Shaqaalha ajnabiga ah oo laga mamnuuco shaqo kasto oo uu muwaadin qaban karo:Sida uu xeerka shaqada iyo shaqaalaha Somaliland sheegayo shaqo kasta oo uu qof muwaadin ahi qaban karayo looma ogola in lasiiyo ajnabi, talaabadan waxa hore uqaaday wasiirkii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Wasiir Ilhaan marki ay xilka wasaaradaas haysay laakiin wixii ka danbeeyay sidii loo baahnaa uma hirgalin marka waa tallaabadaa wasiir ilhaan oo runtii kudayasho mudnaa go,aan geesinimo lehna ahaa dib loo hirgaliyaa, gaar ahaan wasaarada shaqada iyo arimaha bulshadu.
9) Xisbiyada mucaadidka ah: Iyadoo ay xisbiyada mucaaridka ahi marwalba barnaamijkooda ololaha ku galaan dhalinyaradaan wax u qabanaynaa hala yimaadeen qorshe cad oo ku wajahan dhalinyarada.
10)Ugu danbayna tooshka halagu ifiyo qolka madaw:
Dalka Somaliland manta wuxu ubaahanyahay in dhaqaale xoogle ladhiso, wuxu ubaahanyahay in sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarta jaamacadaha kasoo baxaysa laga fikiro, dhibaatada ugu way ee maanta qarankan hor taaganina kadib midnimada qaranka waa dhalinyarada jaamacadaha kasoo baxaysa ee shaqa la’aantu saamaysay, laakiin waxad mooda xukuumada oo xaqiiqatan wax qabatay haddana hadan waxqabadka lagu jihayn meesha ugu baahida badan waa uun khasaare maal iyo maskaxba leh.
Waayo halkay ahyd in manpowerka dalka ladhiso hadii uun dhismayaal lagu mashquulo waxaan ku tilmaami karnaa uun Nin leh guri laba qol ah, mid kamida ay ugu xidhantahy laambad uu ifsado habenki ka kalena uu yahay qol madaw oo aanay waxba ku xidhnayn, hal tooshna haysta dabeetana halkiisaa toosh habeenkii ku isticmaala qolka ay laambadu ugu xidhan tahy halkay ahyd inu ku ifsado qolka madaw.
SHAQADA M A AQOONAYAA LAGU HELA MISE KARTI
Marka aynu ka hadlayno shaqo 80% waxa lagu helaa aqoon halka 20% ay tahay karti, hadii aynu eegno hada iyo tii waagii hore ma jiro wax farqi ah oo u dhexeeya waayo qofna kamashaqeeyo oo ma qabto wax aanu aqoon ulahayn ama aanu garanayn, Aqoontu waa u adeegida nolosha waxaad halkaas ka dhadhansan karataa in waxa lagu shaqeeyo tahay aqoon iyo caqli balse kartidana kama madhna oo waa tiirka labaadee shaqada sida ka muuqata (suuratu qasas) ayaa 25, 26
Marka ay kala Bataan aqoonta iyo kartidu waxay noqonaysaa oo kaliya inaad afka ka maamusho oo aadna la iman wax dhaqdhaqaaqa balse marka ay is la socdaan aqoon iyo karti waa ta ugu muhiimsan oo waxa soo baxa waxa loo yaqaan shaqo.Shaqadu waxa kale oo aanay ka maarmin waa khibrad lagu maamulo oo lagu lafa guro
INAAD SHAQO HESHAA MA WAXAA KU XIDHANTAHAY DAWLAD MISE ADIGA
Masuuliyada ugu weyn amaba ugu mudan ee laga sugayo inay shaqo abuurtaa waa xukuumada, hadaba masuuliyadaas xukuumaddu waa ay garan weyday. Sidoo kale maanta waxa ka baxay is aamin sananta ama kalsoonidii uu qofku shaqo ku abuuran lahaa, xagay ahayd inuu masuuliyada isaga laftiisu qaado oo uu isagu shaqo abuurto ama hoosta ka soo bilaabo ayuu masuuliyada iyo eedda oo dhan dawlada dhakada ka saarayaa wakhtigiina iskagaga luminayaa dhaleecaynta iyo canbaaraynta dawladda.
Taa waxa sii dheer inta dhallinyaro ah ee maanta shaqo nacaybku hayo dad badan ayaa jira oo aanay shaqo la’aani hayn balse shaqo nacayb hayo, kuwaas oo saamayn taban ku yeeshay qaybo badan oo bulshada ka mid ah islamarkaana keenay in shaqo nacaybku gaadhay heer uu kor udhaafayba shaqo la’aanta waxa kale oo jira dhallinyaro badan oo iyagu dadaal la’aan iyo karti la’aan isku bahaysteen ku waasi oo nafahooga ka dhaadhiciyay in ay si nasiib aha ama hadiyad ahaan u helaan shaqo sare iyo mushahar shilis oo aanay dhib iyo rafaad midna u soo mudanin (nimaan shaqaysan shaah ma cabo)sidee ayaynu u liqi karnaa nin toban kun oo doller ku tahriibay oo uu sababta uu waddankiisa uga cararayna ay tahay dhaqaale la’aan. Iswaydii maanta dalka intee ayay ka goyn kartaa lacagtaasi? Halkaa waxaynu ka qiyaasi kar naa in farsamo xumo jirto iyo fikrado beena o laga aaminay wadankii iyo shaqooyinkiisiiba.
Qofka haysta tobanka kun ee dollar ee ku tahriibay hadii uu dhaqaalahaas fikrad fiican oo uu ku shaqaysto raadinlahaa runti wuu heli lahaa, waxaanu noqon lahaa dadka ugu mushaharka fiican dalkaba helitaanka shaqada waxa ka horeeya hagaajinta nafta hadii aynu nafteena u qaabayn wayno shaqada isla markaana u diyaarin wayno “ogow cirku roob dahab ah daruurayn maayo”nin kastoo maanta ku jira hantiilayaasha dalka waxa hubaal ah inuu soo maray halgan dheer iyo habeeno qadhaadh kuwaas oo udhalay midhaha macaan ee maanta uu guranaayo.
Ma jiro hal qof oo nolosha heer ka gaadhay oo aan halgan adag soo Marin. Hadaba hadii aad sida dhallinyaro badan samayso waxa ay dadka kale sameeyan ee ah wakhti lumiska iyo niyad jabka degdeg ah waxaad helaysaa uun waxa ay dadka kale helaan ee horumar la’aanta ah.Runtu waa inaad samayso wax ka duwan waxa ay dadka kale sameeyaan si aad u hesho natiijo ka duwan ta dadka kale heleen.
SIDEE SHAQO LOO ABUURI KARAA
Fursadaha shaqo lagu abuuri karaa waa ay badan yihiin balse inta la hirgaliyo ama la dhaqaajiyaa waa ay yaryihiin marka wadankeena laga hadlayo, sababtoo ah waxa jira caqabado badan oo kaa hor imanaya kolkaad shaqo bilaw istidhaahdo caqabadahaas waxa ka mid ah dhaqaale la’aan, iibyaraan oo kugu timaada iyo dadka oo ku niyad jabiya oo aan ku soo dhawayn marnaba.
MARKA SHAQO LA ABUURAYO WAA IN FIKIRO QODOB SOOSOCDA
⦁ Maxaa suuqa looga baahan yahay.
⦁ awooda wax iibsasho ee dalku ma saraysaa adna ma faa’idaysaa ”purchasing power”
⦁ helida dhaqaale aad ku bilowdo “initial capital”
⦁ suuq gaynta “marketing”
Tusaale ahaan( maahirshoes production) oo ah shirkad yar oo wadanka ku Taal gudihiisa taas oo uu aasaasay wiil yar oo dhalinyaro ah oo magiciisa la yidhaahdo Sakariye Khaalid Abdi Raxmaan.Sakariye waxa uu hawshan uu ku bilaabay 3000 oo slshilin ah oo nususaacihiisa ah waad dareemi kartaa maanta lacagtaasi waxay goyn karto ama ay qaban karto,
Hadaba adiga maxaa kuu diiday inaad shaqo abuurto? Ma dareensantahay hadii aad doonayso oo ay kaa go’antahay in aad shaqo abuuri karto? Madoonaysaa inaad noqoto qof dalkiisa wax u qabta? Keed jeceshay in laguu shaqeeyo inaad shaqaale noqoto?
GUN IYO GABAGABO
Xukuumadu iyada ah indhihii shacabka ee waa inay qaadato door hogaamineed oo hor leh si yareeyo shaqo la’aanta baahsan ee kajirta Somaliland.
Ganacsatadu waa cida marka ay xaaladahan oo kale ka dhacaan dunida sida wayn uga hawlgala sidi shaqo abuur loo samayn lahaa, Ha maalgashadeen dalka inta ay soo dhoofin lahaayeen badeecado mararka qaar ay tayadodu hoosayso.
Ururada bulshada iyo haayadaha caalamiga ahi haka qayb qaateen sidii dhalinyarada jamacadaha kasoo baxaysa shaqo abuur loogu samayn lahaa.
Somaliland way soo dhaaftay heerkii gargaarka bani aadanimo, maaha in lagu mashquulo oo waqti iyo maalba ay ku lumiyaan mashaariic aan wax sidaa usii buuran kusoo kordhinayn dalka sida faraxalka aduunka, la dagaalanka FGM, kala korinta ubadka iwm, Ee waxaynu maraynaa heerkii horumarka, waayo waynu haysanaa nabad, dal xasiloon iyo walibana dowladnimo dhamaystiran ee waxaynu ubaahanahy horumar xag dhaqaale, xag waxbarasho iyo xag caafimaadba marka iyaguna haka qayb qaateen sidi wax looga qaban lahaa shaqo la,aanta dhalinyarada Somaliland

 

Qoraaga
Mubarik Muse Waa aasaasayaasha Xarunta “This Is Our Somalia”. Waa Sakhsi ka Faalooda Aarrimaha Dhaqaalaha, Beeraha, Bulshada , Siyaasadda iyo Isbedalada Manadaqadda.Waxa uu Culuumit dhaqaalaha shahaadada kowada ka diyaaariyay Jamaacda ADMAS . Waa xeeldheere ku xarago faalooda qoraalka , in ka badan 35 maqaal oo kala mawduucyo aha ayuu ku qoraya Afka English ka ,Turkig iyo Somaaliga .Imkani Waa Arday diyaariyay Heerka labaad Ee shahaada, waxaan ku diyaarayay Culuumita Beeraha iyo Dhaqaalah, Jaamacada Kahramanmaraş Sütçüimam University, Turkey.

 

 

Alle mahda iska leh

Mubarik Muse

home
Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker