DEEQDA BERBERA IYO DARIIQA BORAMA VS LAWYACADO.

Waxa hubaal ah  in SOMALILAND waxyaalo badan ka soo kabatay dhinacyada mashaariicda WADAR ADEEGYADA ee bulshadu wadaagto
u wada adeega noolaha aadamaha ku nool SOMALILAND sida biyaha, waxbarashada ,caafimaadka korontada, isgaadhsiinta iyo dariiqyada oo u fududeeye bulshada dalka wada degan isku socodkooda , wada ganacsiga iyo is dhexgalkababulshada mandiqada
labada bulsho meela fog ama isku dhaw ku kala filiqsan waxa isku xidhaa  una  fududeeya is ku xidhnaashahoogu waa gaadiidka iyo
dariiqa u maro marba tayadiisa iyo samayskiisa  waa habka casriga oo waa dariiq dheer oo laamaya oo wakhtiga iyo raaxada bulshada
u adeega.waa u guul in SOMALILAND in daiiqa ugu dheer ee ceerigaabo laamay laga dhiso geba geba joogo. guusha dawlada iyo shacabka oo wada jiraa ka midho dhaliyey.waan ku hambalyeynayaa dawlad iyo shiciba guushaa somaliland u soo hoyatay.
waxa hada loo diyaar garoobayaa dariiqa labaad ee SOMALILAND  ee ceerigaabo vs Burco mataaneeya waa dariiqa Borama vs lawyacado
taas oo somaliland min lawyacado ilaa ceerigaabo oo noqon doono LAAMAY aan turxaan iyo turaanturo toona la hay.MAASHAALAA WAA GUUL ALLEH. dalkeenii wuu midoobay isku xidhkiisii. AWGUULIYO INTA JECEL HORU MARKA IYO WAX QABADKA BULSHADEENA.
MASHRUUCA BERBERA  7.30 MIILLION DOLLAR.
======================================.
Waxan qabaa waa deeq ILAAH oo Berbera ALLAHA WEYNI  ugu deeqay BERBERA waxan leehay waad mutaysatay DEKED CAALAMIYA IYO
DARIIQYO TOOSAN ( INTERNATIONAL SEA PORT AND HIGH WAY  DOWN TOWN ROAD ) maxaa yeelay dalka somaliland waxad ahyed
tahayna jidiin mareenkii bulsha SOMALILAND iyo geeska AFRICA. waad mutaysatay in maanta lagaaga masuugo magaala horumarkaaga
maya  ma geydid gorgorta ma loo qabtaa haa iyo maya ee haaaaaaaaaaaaa baanu leenahay.in badan baad bulsha u adeegaysay ood u  dhaamisay quudinaysay  kiraaman bararan lagugu dhaafayey maanta nabsigii kuu soo celi xasadka ka daayey ma geedo BERBERA
waa hooyadii SOMALILAND.
mashruucan moronka siyaasadeed dhaliyey  ee wax qabadka Berbera waxan somaliland leehay shacab iyo dawlad mashruucaa  yaan la
siyaasaday sidiisa haloo fuliyo hawl fududayen ha loo sameeyo.
FIIRO GAARA,
==========.
Sobobaha loo naqdiyayo mashruuca waxa weeyi DAWLADA FEDERAALKA AYAA SAXIIXAY.
anagu SOMALILAND kama war qabno.
sheekadaasi caqliyan iyo cilmiyan midna ma aqbalayo
sobob weli xoolaa iskugu keen jira oo ah dawladeenii aan lixdankii gaynay maxkamadii caalamku waaUN tee may xukumin
waa hawl inoo taal sidaan UNta waraaqdii dalaaqa uga soo qaadan lahayen.
DPW oo berbera 30 sano loo wareejay heshiiskii lagu kala saxeexday lama hayo warkii u dambeeyey wuxu sheegayaa
in guri gubtay waraaqahaasi yaaleen gubteena waraaqii heshiisku cajiib waa calaamatul suaal?
tolow yaa saxeexay?
guntii iyo gebegebadii
waxan leehay wixii horumara yaan la siyaasadayen
waana xaqeenii oo farmaajo hasheenii buu aduunka
maanta ku maalayaa oo waa MAANDEEQ.
GUUL GOBANIMO IYO HOR U MAR SOMALILAND
XAQ U DIRIR
MUSA AW HASSAN LODOON
AWDALI DUBAI.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker