Dab Ka Kacay Magaalada Dhaka Ee Bangaladhesh Oo Khasaare Badan Sababay

Dhaka(OWN)-Ugu yaraan 70 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen dab xoogleh oo xalay saqdii dhexe qabsaday guryo ku yaal magaalada Dhaka ee caasimada dalka Bangaladhesh.

Dabkan ayaa la sheegay inuu markii hore ka dhashay daar 4 dabaq ah kadibna si fudud ugu fiday guryo kale oo ka ag dhawaa, waxaana gebi ahaan burburay qaar kamid ah guryaha uu dabka gaaray.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay sare u kacdo iyadoo ay hada isbitaalada yaalaan ugu yaraan 50 qof oo dhaawac ah oo qaarkood la sheegay inay ay xaaladoodu culustahay.

Sida ay baahinayaan qaar kamid ah saxaafada dalkaasi; guryaha uu dabkan qabsaday ayaa la tuhunsan yahay inay taalay sunta kemikalka oo sii kicisay dabkaasi burburka baaxadaleh geystay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker