Hargeysa: Suldaan ku baaqay in Madaxda dhaqanka loo daayo Soo-xulista Murashaxiinta Doorashada
Hargeysa (OWN)- Suldaan Axmed Maxamed Colhaye Abu Salmaan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, Xisbiyada siyaasadda ee dalka ugu baaqay inay faraha kala baxaan oo aanay madaxda Dhaqanka u gacan-dhaafin soo xulista murashaxiinta u tartamaya Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo loo muddeeyey badhtamaha sannadka soo socda.
Suldaan Abu Salmaan oo qaar ka mid ah warfidiyeennada kula hadlay magaalada Hargeysa maanta, waxa uu hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi Qaran u soo jeediyey inay goโaaminta arrimaha masiiriga ah ee soo-xulista murashaxiinta golayaasha kala duwan ee dalka ka mid yihiin ku tixgeliyaan madaxda dhaqanka maadaama ay yihiin marjicii beelaha soo xulaya murashaxiinta.
Suldaan Axmed Maxamed Col-haye waxa uu sidoo kale farriin u diray Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo ugu baaqay inay is-diiwaangeliyaan oo qaataan kaadhadhka codbixinta isla markaana ka fekeraan mustaqbalka dalkooda si ay u soo saaraan hogaamiyeyaal xul ah.




