Maamulka Gobolka Togdheer Oo Go’aamo Ka Soo Saaray Cilaajyada Ku Yaala Magaalada Burco

Maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco oo kaashanaaya culimada magaaladda Burco ayaa ka hadlay qaabka ay u shaqeeyaan cilaajyadda ku yaalla magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo qaabka ay u daweeyaan dadka xanuunsanaaya ee yimaadda cilaajyadaasi Burco.

Waxa maamulka degmada Burco iyo kuwa gobolka Togdheer go’aamo kasoo saareen qaabka ay u shaqeeyaan cilaajyadaasi, waxaana go’aamadaasi u akhriyey warbaahinta Maayirka degmada Burco iyo badhasaabka gobolka Togdheer, waxaanay masuuliyiintani sheegeen in talaabo laga qaadi doono ciddii u hogaansami weyda go’aamadan.

Qoddobada ay soo saareem maamulka gobolka Togdheer, culimada gobolka Togdheer iyo guddida nabadgelyadda ee gobolkaasi ayaa u qornaa sidan.

1: culimadu waxa ay fadwootay in qofka bukaanka ah qur’aanka lagu akhriyo iyo in lagu tufo adkaarta kasoo aroorta Nebiga NNKH.

2: waa in laga fogaadaa kaalmaysiga jinka iyo rumaynta hadalkiisa.

3: tufid wadareedka.

4: waxa mamnuuc ah khalwada ama la gaar noqoshada.

5: waa in dadka xoolohooda aan lagu takri falin, iyada oo malab, biyo ama saliido lagu tufay lacag badan laga siinaayo.

6: jidh dilka bukaanka ayaa iyaduna mamnuuc ah

7: addeegsiga warbaahinta, iyada oo qofka cid sixirta ka qaylinayso goob maxfal ah laga qaylisiiyo ayaa iyadana la mamnuucay.

8: in dadka lagu xidho Ilaahay swt ee aan la odhan hebel ayaa wax yaqaana ama dadka shida.

Fadwadan oo ay soo saareen 11 sheekh oo kamid ah culimada waaweyn ee gobolka Togdheer ayay maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco-ba sheegeen in ay hirgelin doonaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker