Garyaqaan Mareykan Oo Lagu Dacweeyey Inuu Si khiyaano ah Lacag Uga Xaday Soomaaliya

Garyaqaan Mareykan ah oo loogu yeedho Jeremy Wyeth Schulman ayaa lagu soo eedeeyey Dacwad ah inuu si khiyaano ah malaayiin doollar uga xaday dowladda Soomaaliya, isla markaasna weli haysto qayb kamid ah lacagtaasi.

Lacagta la xaday oo la sheegay in ay ka badan tahay $12.5 Milyan, waxa la sheegay in Garyaqaanku ka heley Hey’ado maaliyadeed, kaddib markii uu u soo bandhigey dukumentiyo been abuur ah, intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2014 kii.

Sidoo kale, Xeer-beegtida Mareykanka ah ayaa Garyaqaankan iyo rag kale oo aan la magacaabin, ku soo eedeeyey in ay isku dayeen in ay si khiyaano ah ula wareegaan malaayiin doollar oo bangiga dowladda Soomaaliya leeyahay, taasi oo lagu xayiray akoono dibadda ah, xillii uu dalka ka socday dagaalka sokeeye.

Qareenka u doodaya Garyaqaan, Jeremy Schulman, ayaa beeniyey dhammaan eedaynaha, wuxuuna sheegey in ninkani uu dowladdii Kumeel-gaadhka ahayd ka caawinayey sidii uu Soomaalida ugu soo celin lahaa lacagaha dunida kaga xayiran.

Maryland Attorney Charged With Plot To Steal Somali Government Funds

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker