Duullimaadkii Labaad Ee Heer Caalami ah Oo ka Baxay Kabul

Duullimaadyadii ugu horreeyey ee caalami ah ayaa Kabul ka Baxay Shalay iyo maanta intii la dhisay xukuumadda cusub ee Taliban ee dalka Afghanistan, iyadoo Dayuuraddan ay sidday dad ka badan 100 qof oo ajnabi ah, kuwaas oo ay ku jiraan qaar haysta jinsiyadda Maraykanka oo laga yimid intii ay socotay daad guryentii isku dhex yaaca ahayd ee bishii hore.

Duullimaadkan ayaa calaamad u ahaa tallaabo weyn oo horay loo qaaday, xilli ay Taliban dadaal ugu jirto inay sameyso dawlad shaqeynaysa, ka dib markii ay awoodda dalka la wareegeen bishii hore. Sidaas oo ay tahay, waxaa jira warar isa soo taraya oo la xidhiidha gacan ka hadal lagala hortagayo dumarka, ajaanibta iyo war-fidiyeenka oo ay geysanayaan xubnaha ururku.

Ergeyga Gaarka ah ee QM ee Afghanistan Deborah Lyons ayaa Golaha Ammaana u sheegtay in ururada aan dawliga ahayn ee taageera dumarka la bar-tilmaameedsaday, xuquuqdii dumarka la xaddiday, shaqaalihii QM ee Afghanistan ka hawl-galayeyna la hagar daameeyey, cidhiidhina la galiyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker