Duuliye Axmed Dheere Oo Madaxweyne Farmaajo U Jeediyay Eedeymo Culus

Duuliye Axmed Dheere ayaa si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo inaanuu ka damqan shacabka Soomaaliyeed ee argagixisada ku layso qaraxyada, isla markaana uu garab istaag u muujin ehelada dadkaasi.

Duuliyaha oo magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay qaraxii dhawaan ka dhacay makhaayadda Gelato Divino oo ku taalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho, isagoona ku eedeeyay in Farmaajo uu ka aamusay dhacdadaasi.

Waxa uu sheegay in nasiib darro weyn ay tahay in dowladda Soomaaliya oo uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo aanay marnaba ka fal-celin dhibaatada lagu hayo shacabka, taasi oo loo baahan yahay in laga gudbo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa nasiib darro dowladdii looga baahnaa inay dadaal badan sameyso, oo aysan xaqiiqdii waxba sameyn, iyada oo xataa aan madaxda dowladda laga hayn tacsi” ayuu yidhi Duuliye Axmed.

Sidoo kale waxa uu shaki galiyay in madaxda dowladda Soomaaliya ee hadda talada haysa, ay aqoonsan-yihiin mas’uuliyadooda, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda oo ay doortaan madax daacad ah.

Ugu dambeyntiina waxa uu duuliyuhu ka digay in Soomaaliya loo horseedo burburkii hore u dhacay, isla markaana wax walba lagu dhameeyo wada-hadal iyo wada-tashi, si meel looga soo wada jeesto qaswadayaasha.

Qaraxa dhawaan ka dhacay maqaayadda Gelato Divino ayaa waxa ku dhintay Dhallinyaro badan oo Aqoonyahan ah, iyada oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker