TAARIIKHDA TABLIIQA Q1AAD W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

Kooxda iyo ururka tabliiqa waa koox Islaami ah oo isu xilsaartay u ka shaqaynta diinta iyo ka go’ida aduunyada, dhaqanada ay ku tiirsan yihiin waa jeclaysiinta dadka diinta eebe weyne iyo sidoo kale raadaynta ruuxda aadmiga. Bilowgii hore waxay yeedhmooyinka diinta ka bilaabeen Hindiya, wuxuuna hadda ku faafay inta badan waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka. Kooxdan tabliiqa ahi waxay u istaageen hirgalinta laba arin oo waaweyn kuwaas oo kala ahaa:
In diinta islaamka la gaadhsiiyo cidkasta oo aanay gaadhin si ay islaamka u soo galaan.
In la wacyi geliyo muslimiinta fudaydsaday salaadda, iyadoo loo sheegaayo in salaaddu tahay tiir kamid ah tiirarka ay diintu ku taagan tahay.
ka dib waxay u baxaan inay soo wici geliyaan maalmo si ay u arkaan sawirka iimaankooda iyo jacaylka dhexdooda ah, iyo inkasta oo tirada weyn ee kooxda Tabliiqa aysan lahayn afhayeen rasmi ah, ama wakiil idman.

Aas-aaska Tabliiqa Iyo fidinta dacwada islaamiga ahi Waxay Dib Ugu Laabanaysaa Sheikh Maxamed ilyaas al kandahlaawi intii u dhaxaysay sanadihii (1885 – 1944). Sheekhu wuxu ku dhashay Kandahla, oo ah Mid Ka Mid Ah Tuulooyinka Sahaarnufuur Ee dalka Hindiya, Xarunta Bulshada Ee magaalada Delhi.
Bud-dhigayaashii kooxda tabliiqa in yar baa laga garanayaa oo ay kamid yihiin barbaariyihii weynaa ee cabdiqaadir raayal buuri, sidoo kale abuu xuseen cali xasan nadwi Qoraaga Caanka Ah Ee Islaamiga Ah Waa Mid Kamid Ah Asxaabtiisa lasoo xidhiidhay Tan Iyo Markii Ay Kulmeen sanadkii 1939-kii, hayeeshee waxaa la xusaa in aas-aaska iyo bud-dhiga kooxda tabliiqu ay ahayd sanadkii 1926-kii. Xiligaas Oo Aasaasihii Muhammad ilyaas Uu Ahaa Amiirkoodii Ugu Horeeyay Ilaa Uu Ka Dhinto oo tii alle u timid, Kadibna Wiilkiisa Muxamed Yusuf ayaa uga dambeeyey waxa sidoo kale uga sii dambeeyey incaam xasan.

Kooxdu Si Dhakhso Leh Ayey Ugu Faaftay Hindiya, Kadib Pakistan Iyo Bangaladesh, Waxayna U Guureen Dunida Islaamka Iyo Wadamada Carabta, Halkaas Oo Ay Ku Lahaayeen Taageerayaal Wadamada Suuriya, Joordan, Falastiin, Libnaan, Kuwayt, Masar, Suudaan, Ciraaq, Sacuudi Carabiya, Marooko, Qadar, Iyo Aljeeriya.
Intaas Ka Dib Baaqoodu Wuxuu Ku Faafay Inta Badan Dalalka Adduunka, Waxayna Leedahay Dadaalo Ay Ku Martiqaadeyso Dadka Aan Muslimka Ahayn Ee Islaamka Lala Doonaayo Kuwaas Oo Ku Nool Qaarada Yurub Iyo Sidoo Kale Qaarada Ameerika.

Xubnaha Kooxdu Waxay Ku Sifeysan yihiin “inay dadka ugu yeedhaan Tawxiidka Iyo Cibaadada Eebbe weyne Iyo Inay Raacaan Nebigiisa Muxammad N.N.K.H, kaas oo loo soo direy dadka dunida ku nool dhamaantood, carabtooda iyo cajamtooda, iyo midabadooda kala gedisan. Sidoo kale kooxda tabliiqu waxay dadka u cadaynayaan awooda eebe weyne iyo in abuurkoodu uu gacanta ilaahay uu ku jiro, iyagoo halkaa kasoo daliil qaadanaya qur’aanka illaahay kaas oo ah kitaabkii uu kusoo dejiyey nebigiisa muxamed n.n.k.h.
Dhamaan kooxu waxay Rumeysan Yihiin Eebbe weyne Iyo Malaa’igtiisa Iyo Dhammaan Kutubta samaawiga ah, ee Nebiyada lagu soo dejiyey kuwaas oo kala ahaa – sabuur, Tawreed, injiil Iyo furqaan, sidoo kale waxay rumaysan yihiin qadarka wanaag iyo xumaan Iyo Maalinta Dambe, Iyo Jannada Iyo Naarta, Waxayna Ugu Yeerayaan Dadka Arrintaas. Waxay Qeexayaan Astaamaha Iyo Akhlaaqda Muxammad, Nebigii Ilaahay Iyo kii lagu soo idleeyey laguna soo afmeeray Nabiyada Iyo Rususha.

Waxay Dadka Ugu Yeeraan Inay Eebbe Keligii Caabudaan Oo Ay u Istaagaan Tiirarka Islaamka, Iyagoo arinkaa kaga dayanaya Nebi Muxamed n.n.k.h. Way Diidaan xumaha iyo Waxa Khaldan, Laakiin uguma soo bandhigaan reebida xumaanta qaab aanay bulshadu jeclaysan, waxaanay aaminsan yihiin in ay keeni karto carqalado badan hadii bulshada si kakan wax loo gaadhsiiyo waxaanay isla qaateen abuurista jewi degan oo ku haboon nolosha.
Kooxdan tabliiqa ah Waxay Aaminsan Yihiin In Haddii Ay bulshada Dib U Habayn Ku Sameeyaan, Mid Mid, Markaas Sharku Si iskii Ah Bulshada Uga dabar go’ayo. Baxitaanka, Wargelinta Iyo Martiqaadka Dadka Ayaa Ah Arrimo Kor Loogu Qaadayo Wacyiga bulshada Isla Markaana Sifeyn Ahaan Loogu Sifeeyo. Wuxuu Dareemayaa Inuu Yahay Qof Lagu Daydo Oo Ay Tahay Inuu U Hogaansamo Waxay Dadku Ugu Baaqayaan, Sidaa Darteed Bixitaanku Hadaf Ma Ahan, hayeeshee Waa Qaab Lagu Barto Hubaasha, Kordhinta Iimaanka, Iyo Barashada Mabaadi’da Dacwada Iyo Aadaabteeda. Waxay kooxdani Ka Fogaadaan Inay Ku Milmaan Khilaafaadka Kooxeed Si Looga Fogaado Muran, Kala Qaybsanaan Iyo Cadaawad. Kama Hadlaan Arrimaha Siyaasadda, Waxay U Diidaan Xubnaha Kooxdooda Inay Dhex Galaan, Waxay Dhaleeceeyaan Qof Walba Oo Farageliya, Waxayna Yiraahdaan Siyaasaddu Waa Inay Siyaasadda Ka Baxdo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker