Golaha Guurtida Somaliland Oo Anshax Mariyay Guddidana U Saaray Laba Xildhibaan

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Guddi Anshax marin ah u magacaabay in ay anshax mariyaan laba xildhibaan oo Golaha Guurtida ka tirsan kuwaas oo kala ah Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan (Ilkacase) iyo Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug.
Akhri Magacyada Guddida Anshax-marinta ee Golaha guurtiddu Magacaabay oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guurtidu
Ku: Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxmaed Ilkacasr
Ku: Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug.
Ujeedo : Magacaabis Guddi Anshax-marineed.
Golaha Guurtida Somaliland waxaa ay guddi anshaxmarina u saareen labada mudane ee kor ku xusan, kuwaas oo hawshi shaqo ee golaha is hortaagay, iyaga oo sameeyay amardiido, jahawareer iyo buuq, sidoo kalena kula kacay sharaf dil golaha iyo shir-guddoonkaba, iyaga oo bixiyay wareysiyo ay ku dureen shaqada golaha si aan waafaqsaneyn xeer hooosaadka golaha iyo dastuurkaba.
Sidaasi darteed xubnaha guddida ah ee hawshaasi anshax-marinta ah loo saaray, waxaa la faraya in si dhakhso ah u an-shax-mariyaan labadaasi kiddane, ee sare ku xusan, go’aanka ay gaadhana ku soo celiyaayn shir-guddoonka.
Sidaasi awgeed, labada xildhibaan ee la anshax-marinayo waxaa laga hakiyay in ay ka soo qayb galaan fadhiyada golaha illaa arrintooda go’aan laga gaadhayo.
Mgacyada Guddida.
1 Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yasir
2 Xildhibaan Cabdieaxmaan Cusmaan Jaamac.
3 Caydiid Cabdi Maxamed
4 Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Aareeye.
5 Xildhibaan Xasan Cumar Axmed
6 Xildhibaan Dayib Xasann Axmed
7 Xildhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan Muxumed.
8 Xildhibaan Cumar Nuur Xassan
9 Xildhibaan Axmed Nuur Wa Cali Aadan.
10 Cabdinaasir Aadan Beegsi xughayaha guud ee golaha guurtida Somaliland.
Waxaa warkan qoraalka ah ku saxeexan guddoomiyaha golaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker