Somaliland oo Dalkeeda ka Mastaafurisay Murashax Mustafe Dhuxulaw oo u dhashay Somalia
Hargeysa (OWN) Ciidamada Dawladda Somaliland ayaa saaka dib u siiyey xorriyaddiisa Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan golaha shacabka ee Dawaldda Somalia.
Sidoo kalena ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2020/2021-ka.
Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in mas’uulkaasi ay ka soo masaafurisay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho.
Xildhibaankan ayaa shalay lagu xidhay Garoonka diyaaradaha ee Cigaal Internationa Airport ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka Degay halkaasi.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in ujeedka safarka Musharrax Mustaf Dhuxulow uu la xidhiidhay, kadib casuumaad uu ka helay Hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka.
Balse Si Rasmi uma Cadda .