Shaqada Xeer Ilaaliyaha dawlad kasta oo ay ku jirto Somaliland

Shaqada Xeer Ilaaliyaha dawlad kasta oo ay ku jirto Somaliland waxaa tahay in ay xukun maxkameed ku soo oogto cidkasta oo ku xadgudubka xeerka ciqaabta ee u yaala dalkaas kaas oo si gaara u waafaqsan haduu dalkaasi yahay dal Muslim ah tilmaamaha guud ee shareecada Islaamka.
Waxaan maanta dhegaystay Xasan Shahar oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Degaanka oo afkiisa ka qirtay in Sheekh Adam Xaaji Maxamuud Xiiray Adan Siiro ay u gadeen laba balook oo dhulkii danta guud ahaa. Maxaa la gudboon Xeer Ilaaliyaha Qaranka? Maxaa la gudboon Wasiirka Cadaalada? Maxaa la gudboon Wasiirka Arimaha Gudaha,? Maxaa la gudboon Taliyaha Booliska iyo Qaybta Dembi Baarista (C I D), Maxaa la gudboon Madaxweynaha Somaliland?
Si deg deg ah waa in Madaxweynuhu amar cad u siiyaa Wasiirka Cadaalada in uu ka howl gallo arintan. Wasiirkuna waa in si deg deg uu Xeer Ilaaliyaha amar u siiyaa in arintaas uu ka hawl gallo. Waxaa kale arintu Khusaysaa Wasiirka Arimaha Gudaha, Taliyaha Booliska iyo Madaxa Qaybta dembi baadhista.
Waa in C I D du shaqadeeda qabsataa. Warbixin laga qoraa. Cadaymaheeda urursataa. Cadaymaha waxaa ugu mudan:
1. Qirashada ka soo baxday
2. Markhaatiyada jooga
3. Cadaymaha kale sida dhulkii la gaday
4. Waxkasta oo ah tilmaamo (Qariino)
Ka dib waa in Xeer Ilaaliyuhu dembigaa kaga soo oogaa Maxkamada garta iska leh meesha dembiga xoolaha la lunsaday ka dhacay (Jurisdiction Magistrate Court).
Dembigan la soo oogayo waxaa uu ka madax banaandoonaa siyaasad, qabiil, diin, kooxaysi, saaxiibtinimo, suldaano, cuqaal iyo cidkasta oo is hortaagi karta in cadaladu shaqayso.
Xeer Ilaalinta waxaa xil gaari ka saaran yahay dembiyada ay galaan madaxda dalka ee lagu aaminay xoolaha dadweynaha, nafta iyo amniga bulshada iyo ilaalinta qaranimada.
Sheekha arintani sida gaarka ah u saamaysay waxaa la gudboon si deg deg ah inuu uga hadlo arinta oo bulshada ula socodsiiyo wixii dhacay maadaama uu yahay masuul guud oo diimeed oo dadka oo dhammi wax ka qaataan. Waxaa kale oo la gudboon inuu la shaqeeyo C I D, Xeer Ilaalinta Guud iyo Wasaarada Cadaalada (Maxkamada).
Arintani waxay cadayn doontaa Jiritaanka Dawladda Somaliland. Haddii la waayo waxay meesha ka saari doontaa Jiritaanka Dawalada Somaliland.
Aswad Baarcad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker