Ganacsatada Jaadka ee Dalka Kenya oo Fariimo Cabasho ah u diray Madaxwaynaha Somalia

Nairobi (OWN) – Ganacsatada jaadka ee dalka Kenya ayaa fariin u diray madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyagoo ka cabanaya nolol xumo soo wajahday, waxeyna ku  doonayaan in dib loo fasaxo qaadkii ay keeni jireen Soomaaliya.

Dalladda ay ku mideysan yahiin Haweenka jaadka kasoo dhoofiya Kenya oo ay ku jiraan hablo Soomaali ah ayaa tirsanaya nolol xumo soo wajahday kadib markii la joojiyay qaadkii ay Soomaaliya geyn jireen.

 

 

Xaawo Cabdi Jaamac oo la hadashay Warbaahinta Ayaa sheegtay iney ka cabanayaan joojinta qaadkii ay geyn jireen Soomaaliya halka la fasaxay jaadka laga keeno dalka Itoobiya.

Haweeneydan waxey sheegtay iney saameyn ballaadhan ku yeelatay isla markaana ay noloshoodu ku tiirsaneyd ka ganacsiga jaadka,

 

Balse tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya xayiraadda saartay jaadkii  ka iman Jiray  Kenya ay culeysyo nololeed soo wajaheen.

 

 

“Markii hore jaadka waxaa loo joojiyay sababo la xidhiidha cudurka COVID19, balse markii dambe gebi ahaan waa la joojiyay inaan jaad Loo dhoofin karin  Soomaaliya,

 

Taasina waa dhibaato waayo waa shaqada kaliya aan naqaano” ayey u sheegtay BBC-da.

Xaawo Cabdi waxey ugu baaqday madaxweyne Farmaajo in loo fasaxo jaadka ay u iib geyn jireen Soomaaliya ama gabi ahaanba jaadka laga xanibo in loo iib geeyo Soomaaliya.

 

 

Dowladda Soomaaliya waxey xanibtay jaadkii laga keeni jiray Kenya, waana arrimo labada dal u dhaxeeya oo dhanka diblomaasiyadda ah sida la fahamsan yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker