Somaliland: Qabyaalad-siyaasadeed iyo Qaybsanaan Bulsho

Siyaasadii Somaliland waxay isugu xuubsiibatay ama isugu biyo shubatay Qabyaalad, (Qabyaaladaasi waa tii keentay Kacaankii Siyaad Barre iyo lumintii Dibuqraadiyadda) xisbiyaddii waxay noqdeen Qabyaalad (Reero), Tu’saale, xisbi kasta ninka Gudoomiyaha u ah ayaa iska leh, Kulmiye maanta waxaa leh Muse Biixi Cabdi, sida awgeed, reero badan oo shalay ahaa Kulmiye ayaa maanta aan ahayn Kulmiye, waayo, Axmed Maxamed Maxamuud oo ay isku reer ahayeen maanta ma aha Gudoomyaha xisbigga Kulmiye ee Muse Biixi Cabdi oo reer kale ah ayaa iska leh maanta. Xisbigga wadani waxaa iska leh Gudoomiyha Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi, sida awgeed, xisbigga waxaa iska leh Gudoomiyha reerkooda, waxaa isaguna la mid ah Xisbigga UCID.

Saddexdii xisbi Qaran sida ayay reero ku noqodeen, dadka qaarkood ayaa ku dooda in la badiyo xisbiyadda, si looga baxo saddexdan xisbi ee reeraha noqoday, laakin wax aysan ogeyn in Xusbi-Qabyaladeedku sii badan doon uun. Haddii la furo xisbiyada, waxaa keliya oo yaraanaya iskaashigga reeraha (Jeegaamaha), oo reer kasta si gaar aha ayuu xisbi u yeelanayaa. Xisbiyadda iyo Qabaa’iilka isku dhafani ma ah mid cusub, laakin waa mid ay Somalidu hore u soo martay, haddii aan dib ugu noqono wakhtiggii la doonyey in Ingriska wadankan Somaliland lagala wareego waxaa dhisnaa laba xisbi oo ay beelaha dhexe lahaayeen oo midba si u doonayey in Ingriska xukunka dalka lagala wareego Somaliland National League (SNL) iyo National United Front (NUF), labadan Xisbi beelaha dhexe jilib jilib ayay ugu qabysanaayeen, laakin xisbigga saddexaad waxaa lahaa beelaha darfyadadda waxaan xisbigga la odhan jirey United Somaliland Party (USP)
Waxaa kale oo la mid ahayd dawaladdii Raydika ahayd ee ka danbeysey markii aynu xorriyad ka qaadanay Ingirska iyo Talayanigga ee ay midoobeen laba wadan ee xorriyada qaatay (waa Somaliland iyo Somalia’e), dawladaasi waxay ahayd mid dimuqradi ah (democracy) oo la soo doorto xubnaha Golaha Wakiilada, Madaxweyeyaasha iyo Raiisul Wasaareyaasha. Dawlada Raydka ahayd waxay gaadhay meesha ugu xumeyd Musuqmaasuq iyo wax-is-daba-marin, taasi ayaa keentay in xukunka la wareegan ciidamada dalku, halkaasna ay ku lunto nidaamkii Dimuqradiyaddu (democracy)
Somali oo dhammi meel ay joogtaba waa ay ka simanyihiin Qabyaalad-siyaasadeedka, sideedaba, nidaamka dawaligga ah ee ay Somaliddu haysto ma ah mid ka yimid ama ka turjumayaa dhaqanka Somaalidda, waa mid inooga yimid debedda ama ay inoo soo waarideen Gumeysiggi wadankeena yimid Qarniggii 19aad. Somaalidu hore uma aysan lahayn Madaxweyne, Gole wakiilo, Ciidamo, Banks iyo Cashuur la ururiyo. Waxay Somaalidu ahayn reer wadayaal oo wixii dhib ah ee dhex mara ku xaliya Xeerar ayay sameysteen, reer kasta wuxuu lahaa Caaqilkiisa, Garaadkiisa, Ugaaskiisa iyo Suldaankiisa, ma jirin madax-dhaqameed ka dhexeeya Somalida, ma jirin cashuur ay wada urursan jireen, ma jirin Maxkamada ka dhexeysaa, ma jirin bank ay lacag wada dhigtaan, ma jirin xeer ka dhexeeya oo ay wada wadaagan, ma jirn jeel lagu xidho qofkii ku gefa ama geysta waxyaalo ama xeerka ka dhexeeya.
Doorashada Golaha Degaanka iyo Wakiilada-Qabiilka
Waxaa bishan socday ololee loogu jirey xubnaha ka mid noqon doona ama u tartami doona Golaha Wakiilada iyo kan Degaanka, reerkasta, jilb ama jifo kasta oo reerka ah wuxuu ku hawalyahay kala saarida ama kala reebida qofkii u tartami lahaa kursigga. Qofka ay doonayaan inuu ka wakiil noqodo Golaha waxaa xulayaa odayada reerka, marka ay xulaan ka dib waa in ay reerku codka wada siiyaan qofka, qofka la xulayaa ma yahay qof u qalma oo leh aqoontii looga baahan Golaha? Ma yahay qof masuul ah? Ma yahay qof ku sifoobay dhowrsanaan, aaminaad, waayo-argnimo, daacad, iyo xil-kasnimo? Maxay tahay sababta madaxdhqameedka ku kelfey in ay hawashan galaan ama wax ugu jira madaxdhaqmeed ahaan? Waxaan wada xasuusan sida lagu doortay Guddigga Doorashada Qaranka (Somaliland electoral Commission), waxaa labada gudoomiye Xisbi mid welba soo xulay nin Beeshiisa ah, Gudoomiyaha Golaha wakiiladuna wuxuu heshiis la galay madaxweynha oo isaguna soo magacaabay gudoomiyaha nin ay isku beelyihiin.
Musumaasuqa iyo wax-is-dabo-marinta waxaa sababta kowaad u ah qabyaalada, qofka Qabiil lagu keeno xafiis dawaladeed, xafiisku doon ha noqdee wuxuu qofkaasi mudnaanta kowaad siinayaa Qabiilkiisa, waayo wuxuu kursiga ama xafiiska ku yimid magaca Qabiilka, waxaa keenay Qabiilkiisa iyaga ayuuna u yahay masuul (accountable), qofka muwaadinka ahi wuxuu magan u yahay ninka reerkiisa ah ee u shaqeeya dawalada, halkii uu magan u noqon lahaa sharcigga iyo nidaamka dawligga ah, marka uu xafiis dawladeed wax ka doonayo waa inuu soo kaxaystaa ninka reerkooda ah ee dawalada u shaqeeya, ninka wasiirka ahi waa inuu shaqaalaysiiya ninka reerkiisa ah, ilaa 2010kii sida ayaa dawalada Somaliland u shaqaysaa. Xsibigga Kulmiye waa diirigeliyahay ku shaqaynta nidaamka Qabyaalada, waayo xisbigga Kulmiye ayaa ku yimid habka qabiilka, muddada 10 sanno ah ayaa dalku galay nidaamka qabiilaysan.
Sideeddaba, nidaamka Dimuqradigga ah waa midka bulshadu ama shacabku uu soo doorto qofka uga wakiil noqonayaa ama qofka go’aanada muhiimka ah uga wakiil noqonnaya dawlada, waayo waa arrin aad u adag ama dhib badan haddii qofkasta oo muwaadin ahi uu yidhahdo waxaan noqonayaa midka isagu si toos ah u gaadha go’aanada dawaldnimo. Sida awgeed, nidaamka dimqradiyadda ee addunka ugu mudan waa ka dadku ay soo doortaan uga mid noqoshada go’aanada masiiriga ah. Dadka wax dooranyaa waa inta isku degaanka aha (constituents) dadka wax ay wado leeyihiin baahi isku mid ah oo ah taa ay ku yihiin jaarka ama dersi-wadaaga, waxaa ka dhexeeya in ay helaan: Biyo, Laydh, Dugsiyo, Dhakhtaro, meel ay caruurtu ku ciyaaro, library, garoon kubadeed, wadooyin ay maraan dadku, wadooyin ay maraan gadiidka gaarka ah, iyo gaadiidka dadweynhu.
Su’aasha meesha taalaa waa side looga bixi karaa Qabyaalad-siyaasadeedka foosha xun? Sidee ayaa la isu waafajin karaa Qabyaalada iyo siyaasadda? Somaliland diyaar ma u tahay in sida Somalia Qabyaalad wax loogu qaybsado? (4.5 tribal formula).

 

By: Osman Awad

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker