Waayaha Musharaxiin Isu Tanaasuli Weyday oo Laga Dhexqaaday

Xigmad ayaa tidhaa “Kuwa garanaya halkii laga yimid, ayaa garan kara halka loo socdo”. Haddii aynu waxba ku qaadan weyno waayaha taariikheed ee ina soo maray, way fududahay in godkii shalay lagu dhacay isla isagii lagu dhici karo. Badanaa musharaxiin madaxtinimo oo isku koox ah ama isku deegaan ah oo markii ay kala bixin waayeen ama isu tanaasuli waayeen uu mid aan meeshaba la soo dhigani ka dhexqaaday. Isaga oo ka faa’iidaysanaya kala qaybsanaanta dhextaalla kuwa is haysta. Waana arrinta ku soo socota musharaxiinta is-bahaystay ee Muqdisho ugu shiraaya inay meesha ka saaraan Madaxweyne Farmaajo. Bal dhacdooyinka dhugo:

= Sannadkii 1993, shirkii beeleedkii Boorama waxa isugu tagay dawladdii SNM iyo mucaaradkii ka soo horjeeday, waxaanu qorshuhu ahaa sidii madasha loogu dooran lahaa madaxweyne iyo ku xigeen beddela dawladdii SNM, oo madaxweynaha iyo ku xigeenkuba ay yihiin beesha dhexe. Maxamed X. Ibraahin Cigaal’ AHU’ ayaa ugu cadcadaa musharaxiinta aan SNM ahayn ee madasha ku sugnaa. Cigaal wuxuu ahaa siyaasi weyn oo muddo dheer ku dhexjray siyaasadda, wuxuu fahmay kala qaybsanaanta dhextaallay tunweyntii SNM, waxaanu arkayey fursada meesha u taall. Wuxuu is-fahan hoose dhexmaray xubnihii mucaaradka ku ahaa dawladdii SNM ee uu hogaaminaayey madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur ‘AHN. Cigaal waa kii sidii kursiga ku helay ee ka dhexqaaday madaxdii SNM ee kala qaybsanayd. Ey is-cunaysaa Waraabe iskama celiso.

= Sannadkii 2004 shirkii Kiiniya ee Imbagaati ee lagu dooranayey musharaxiintii madaxtinimo ee Soomaaliya. Waxa sharraxnaa siyaasiyiin ku abtirsada jabhadii USC, oo iyana sidii SNM kala qaybsanaa. C/laahi Yuusuf oo Puntland ka tegay oo lacag sita, arkanaya fursada meesha taall ee kala qaybsanaanta siyaasiyiinta USC, ayaa dhex-hillaacay. Aakhirkii waxa ay ciyaartii kama dambaysta isugu yimaadeen Cabdilaahi Axmed Caddow, waxaanu ka adkaaday markii uu hantiyey xubnihii USC ee ka soo horjeeday Caddow, sidaana wuxuu ku noqday madaxweynihii Soomaaliya. Ey is-cunaysaa Waraabe iskama celiso.

= Horraantii sannadkii 2017, doorashadii madaxtinimo ee uu madaxweynaha ku soo baxay Farmaajo, wuxuu helay fursad kuwaa sare la mid ah. Waxa wada sharraxnaa madaxweynihii wakhtigaasi Xasan Sheekh iyo kii ka horreeyey Sheekh Shariif oo isku jufo hoose ah (Abgaal). Waa loo taagwaayey inay isu tanaasulaan. Dhinaca musharaxiintii madaxtinimo ee beesha Habargidir ayaa markay arkeen in labadii madaxweyne ee kala dambeeyey ee Abgaal ay kala bixi waayeen iyana ugu shubay Cabdilaahi Yuusuf. Sidaasina ayuu kaga dhexqaaday. Ey is-cunaysaa Waraabe iskama celiso.

= Tan maanta ka taagan musharaxiinta Soomaaliya ee ku dhaw 14 qof ee weli aan warkeeda haynin inay isu tanaasuli doonaan ayaa waddadii haya. Haddiiba ay isu tanaasulaan oo ay heshiisyo kala qortaan in uun bay rajo leeyihiin inay Farmaajo meesha ka saaraan, hasayeeshee haddii kale ha fishaan inuu ka dhexqaadi doono.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker