Wasaarada Maaliyada JSL Oo Amaro Cusub Ku Soo Rogtay Hoteelada Somaliland

Wasaaradda H. Maaliyadda JSL iyada oo ka duulaysa meel-marinta iyo dhaqangalinta awaamiirta Xeerka Guud ee Dakhliga Dawladda Xeer Lr. 72/2016 gaar ahaan qodobkiisa 153-aad waxa ay dardargalinaysaa ururinta dakhliga cashuurta iibka ee adeega iyo alaabooyinka gaar ahaan cashuurta ku waajibtay adeegyada ay bixiyaan hudheeladu sida: cuntada, cabitaanka, jiifka iyo munaasibaddaha kala duwan, cashuurtaas oo qadarkeedu yahay 5% (Boqolkiiba shan kaliya). Sidaa darteed, Wasaaraddu waxa ay faraysaa mulkiilayaasha hudheelada oo ay fariintani si toos ah ugu socoto inay ku daraan cashuurta iibka qaansheegta biilka ay ku dalacaan macaamiishooda, waxa ay sidoo kale fariintani ku socotaa macaamiisha ku xidhan hudheelada oo ay u sheegayso inay u dhago-nuglaadaan is la markaana u hagarbaxaan bixinta cashuurta xeerku ku waajibiyey.
Waxa xusid mudan, in Wasaaraddu dhawaan bilawday inay qaar ka mid hudheelada waaweyn ee magaalada Hargeisa dhigto mishiinka cashuurta iibka. Balse, ay waajib tahay inay guud ahaan hudheeladu dhaqangaliyaan in ay ku daraan biilka macmiilka ay siinayaan, taas oo ah sida uu sharciga dakhligu jiddeynayo, halkii ay hudheelada qaaarkood cashuurtan iyagu ka soo goyn jireen xisaab toodda gaarka ah, nidaamkaas oo aan waafaqsaneyn Xeerka.
Ugu danbayn, Wasaaradda H.Maaliyadda JSL waxa ay mar labaad ku adkaynaysaa masuuliyiinta hudheelada guud ahaan inay waajib sharci tahay inay qaansheegta biilashoodda ku daraan 5%-ka cashuurta Iibka ee alaabta & adeeegga ee uu sharcigu waajibiyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker