Dagaalkii Roodhidu Sababtay!

Sanadkii 1886 dalalka Faransiiska iyo Mexico waxa dhex maray dagaal aad u xun. Dagaalkan waxa sababay markii askarta Mexico ay xad gudub kula kaceen nin Faransiis ah oo moofo Roodhida iyo peisada lagu sameeyo ku lahaa caasimadda dalkaasi.

Weerarka xadgudubka ee ay ku qaadeen ninka Moofada leh ayaa keenay inuu ninkaasi khasaare badan soo gaadho , waxaana khasaare  badani ku yimid roodhida.

Si loogu celiyo hantida ka khasaartay mulkiilaha roodhidu waxa uu cabasho u gudbiyay Boqorkii Faransiiska ee wakhtigaasi Louis Philippe.,

Boqorka ayaa isla markiiba amar ku bixiyay in wadahadal lala yeesho dawladda Mexico si magdhow loo siiyo ninka moofada leh.

Laakiin Faransiisku waxay adkeeyeen shuruudaa ay ku xidheen magdhowga ay bixinayso Mexico, taas oo ku keentay fashil ku yimi  wadaxaajoodka dhex marayay labada dal. Makii wada hadalku fashilmay  Faransiiska ayaa iclaamiyay weerar ay ku qaadayaan Mexico isla markiibana way bilaabeen.

Si kastaba ha ahaatee, Mexico waxay awoodi weyday oo u adkaysan kari weyday inay muddo dheer sii dagaalanto, ugu danbaystiina waxay ogolaatay inay bixiso xadiga magdhowga uu dalbaday dalka Faransiiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker