Calaamadihii Saacadda Qiyaamaha miyaa muuqdo ?

Waxaa Somaliya ka dhacayo ee aan ku mashquulnay, Haddii aan dhinac kale ka fiirino, Cashar maka qaadan karnaa ? . Fiiri, Macnaha uu ximbaarsan yahay Xadiithkaan.

Xadiithka Saxiixa ah ee Rasuulkeena Moxamed CSW uu ka soo wariyay Abu Hureyra oo Macnahaan laga dheehan karo:

(( Haddii Amaanada la Layaco “la baadiyeeyo, la beeylahiyo” waxa aad Sugtaan Saacadda, oo loola jeedo ” Saacadda Qiyaamaha”.

waxaa lagu yiri: Rasuulka Alloow, Sideey u Layacmee ?.

Wuxuu ku yiri: Haddii Talada Ummadda loo dhiibo ,kuwa aan ku habooneeyn, aan Ehel u aheyn, Sug Saacaadda)) ( F.Q: 1aad).

Akhristoow, kuwii aan Amaanada u dhiibanay iyo kuwa hadda u tartamayo, Heer Qaran iyo Heer Hoose, Adigaa iiga aqoon badane, ma ku jiraan kuwa layac ah oo aan Amaanada qaadi karin… Haddii ey taasi dhacdo waxa aan sugnaaba soow Mahan,wixii uu nooga digay Rasuulkeena Runloowga ah CSW.

FG: Ha siyaasadeeyn, Qof gaar ahna ja u nisbeeyn, Xaaladda Dalka si guud uga fikir, wixii aan ka khalday iga sax ,wixii ka dhimanna ku dar.

Amaanada ha la wada ilaaliyo, waa iga talo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker