Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay rabshadihii Hargeysa Studium.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyaha kumeel gaadhka ah Cabdiqaadir Jirde, Hoggaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Guud, Xoghayaha Ciyaaraha, Xoghayaha arrimaha bulshada iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi jeex, ayaa ku booqday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa dad ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay Hargeysa Studium maalmihii ciyaaruhu socdeen.
Masuuliyiintan, ayaa deeq lacageed gaadhsiiyey dhaawacan, iyaga oo Ilaahay uga baryey inuu caafimaad sareecan ah siiyo.
Masuuliyiinta Xukuumadda ayaan iyagu booqan dadkan waxyeeladu ka soo gaadhay rabshadihii Garoonka Hargeysa Studuim.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker